Hargeysa(ANN)Xallada Biyo dhaamiska iyo gurmadka Abaaraha  ayaa weli ka socda deegaamada miyiga ee Somliland, iyadoo ay jiraan dedaalo weli gurmad loogu raadinayo sidii dadka iyo xoolaha loo gaadhsiin lahaa Biyo, taas oo keentay inay qiimaha biyuhu kor u kacaan labadii bilood

ee u danbeeyay oo meelaha qaar gaadhay $10 (toban dollar), isla markaana aanay jirin gaadiidka ku filan oo meelaha gurmadka biyo dhaamiska loo fidinayo lagu gaadhsiiyo, kadib markii gaadiidka  Booyaduhu u qaybsami waayeen deegamada gurmadka u baahan oo dhan.
Masuuliyiinta Xukuumada ayaa marar baddan ku cel celiyay canbaarayn ku waajahan hay’addaha caalamiga ah ee ku sugan Somaliland, kuwaas oo sida ay sheegeen aan wax gurmad ah ka samayn xaalada Biyo dhaamiska iyo Abaaraha sii jiitamaya, balse gudi loo sameeyay gurmadka aabaaraha iyo biyo dhaamiska  oo ka kooban masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland,  ganacsatada iyo culimada Somaliland ayaa weli sii wada abaabul biyo dhaamis iyo lacag ururin ah, waxaana gudidaa shalay lacag taakulo loogu talo galay gurmadka biyo dhaamiska  ku wareejiyay Maamulka Maxjarka labaad ee magaalada Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkadda Indho-deero, taas oo  deeq lacageed oo ay shirkadaasi  guddoonsiisay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Deeqdan oo dhamayd Boqolkun oo dolar oo isug jiray konton kun oo doolar oo raashin ah iyo konton kun oo doolar oo lacag ah. waxaan madaxweyne ku xigeenka deeqdaasi guddoonsiiyay guddoomiye ku xigeenka shirkadda Indho-deero Mr. Naasir Cabdi Cawad (Indho-deero), waxaanu sheegay in deeqdani aanay intaasi ku eekayn, balse gaadiid ay leeyihiin oo booyado ahi ay gurmad biyo dhaamis ah kaga jiraan laba gobol oo Somaliland ah, isla markaana ay gaadhsiin doonaan gobolada kale ee dalka ilaa inta roob laga helayo.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa si weyn ugu mahad naqay shirkadda Indho-deero ee deeqdan ka gaysatay gurmadka samato bixinta dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo shirkadda Indho-deero ku tilmaamay in ay tahay shirad wadani ah oo u damqanaysa dadweynaha abaaraysan iyo bulshada danyarta ah.

Dhinaca kale waxa todobaadkan  u danbeeyay is bedelay  jawiga  iyo muuqaalka cirka, isla markaana daruuraha teel teelka ah ee ka muuqda meelaha qaar cirku rajo iyo yididiilo geliyeen guud ahaan bulshada oo naawilaysay inay bilaabmayaan roobabkii oo laga baxayo biyo la’aanta, isla markaana abaartu jabayso, balse weli waxa sii socda  deegaamada  Somaliland xaallada biyo dhaamiska iyo Abaarta oo weli taagan, iyadoo gurmadka biyo dhaamiska ka socda dalka uu saamayn ku yeeshay ceelasha  biyaha magaalooyinka waaweyn. 

Si kastaba ha ahaatee xiligan oo lagu jiro todobaadkii u horeeyay ee bisha April oo inta baddan horaanteeda ama badhtameheedu ka bilaabmo roobka Gu’gu  deegaamada Somaliland, basle aanu jawiga saadaasha dhinaca Cirku muuqaalo fiican lahayn, taas oo xaalada iyo jawiga  abaaraha iyo biyo la’aanta sii adkayn karta  haddii aanay roobabku bilaabmin maalmaha soo socda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *