Bulshada calaamku waxay tahay dabaqado iyo heerar kala duwan oo kala sareeya, xaalada hooda gaarka ahina kala duwan yihiin. Dhibaatooyinka ummadaha ku dhacana waxaa ugu adag
midda aan laga baxsan Karin oo dhaqanka iyo caadada ummaddaas la xidhiidha. Haddaan nahay Somaliland waxaan leenahay caadooyin soo jireen ah oo dhaqankeena la xidhiidha; kuwaas oo salka ku haya caqiidada diinta islaamka. Anigoo jecel inaan si gaar ah uga hadli doono maqaaladayda danbe dhaqanada, aan u soo noqdo dulucda ujeedadeyda maqaalkan oo ah qiso dhab ah.
Waxa argagax iyo yaab leh Daahir Riyaale iyo Huda Barkhad ay caado iyo dhaqan u tahay iney qaataan talooyinka fooxisooyinka iyo faaliyayaasha, kuwaasoo ka lumiyey garashadii iyo ficilkii, shacabka Somalilandna u haystaan iney xisbi ku tiirsan yihiin. Hadaba waxaynu is barbar dhigeynaa afkaartii sanadkii hore la siiyey iyo kan sanadkan, soona qaadanayna labadiisa faaliso oo kala ah Xaliimo oo degen Boorame, Cudbi Fagaase oo degen Naasa-hablood gurina ku leh Dararweyne, horena ay u degeneyd dalka Sucuudiga iyo saaxirka Cabdiraxman oo u dhashay qabiilka Oromada degena madaxtooyada laguna tilmaamo inuu caruurta Huda Barkhad dhashay u dhigo quraanka.
Abaabulkii doorashadii ka dhacday dalkeena Somaliland 2003 wuxuu ahaa mid aad caalamku u amaanay, intii ay doorashadu socotayna wax carqalado ah ma aaney dhicin taasoo ay ku amaanan yihiin shacabka Somaliland, laakiin ku dhawaaqidii doorashada ayaa qaadatay waqti ka dheer mudaddii loogu talo galay taasoo dhalisay shaki ay horayba u qabeen qaar kamida xisbiyada kuwaasoo rumeysnaa in xisbiga talada haya UDUB ku shuban doono doorashada, Muj. Axmed Siilaanyo oo hogaamiya xisbiga KULMIYE ayaa markiiba ogaaday natiijadii doorashada, waxeyna xisbiga KULMIYE soo saareen kuna muujiyeen in ay iyagu ku guuleysteen doorashadii 76 cod kana horeeyaan xisbiga Riyaale, intaa ka dib ayaa gudida doorashooyinka iyo Xaliimo (faaliso) isla markiiba qasab ay kaga dhigeen Riyaale inuu madaxtooyaddii dib ugu laabto, mudadaas oo aaney cidina ku sugneyn madaxtooyadda Daahir Riyaale na ka baqayo inuu ku noqdo madaxtooyadda, isla goobtiina ay suudh madow Xaalimo (faaliso) ugu
gelisey Riyaale, looguna dhawaaqay 80 cod inuu ku horeeyo.
Bulshadii diinteeda, dhaqankeeda iyo hiddeheedaba ilaashada waxay helaan sirta nolosha qaarkeed, waxaana u baxa raadkii ay garashadoodu u sii kordhi lahayd, waxayna helaan nolol dhinac walba leh, maskaxda iyo garashada baniaadmiguna koriimadeedu waa afkaar iyo macluumaad badan taasaana kordhisa garashada qofka, sida lagu tilmaamo oo kale waxbarashadu iney daboosho baahida maskaxda.
Caqliga Riyaale ama xaaladiisa aqooneed ha noqoto ilaa doorshadii hore iyo waqtigan aynu joognaba, wuxuu gaadhay heer aanu ku kalsoonaan kartidiisa, wuxuuna madaxa ku garaacay/hirdiyay gidaar/darbi mala awaal ah iyo indho la’aan, xag aakhirana u wanaagsaneyn. Waxa amman mudan oo ogaaday qisadan dhabta ah dad badan oo ku ag dhawaa Riyaale, iminkana noqday isbedel doonka UDUB, sidaa owgeed isbedelkasta oo dhab ah waa inuu ka bilowdaa qofka ama shakhsiga uu aaminaa naftiisa, dabadeedna saameyntiisa laga garto qowlkiisa iyo ficilkiisa, kana xoroobaana dhalanteedka.
Waxa is weydiin mudan doorashadan dhacaysa 26 juun 2010, maxay talo siiyeen Riyaale fooxisooyinku iyo faaliyuhu?. Tolow intaanay doorashadu dhicin dalka ka bax ma kula taliyeen?
BY: MARYAN MOHAMOUD ALI (AW-GUURE)