Hargeysa(ANN)Wasiirka maaliyada Somaliland Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay qorshe cusub oo lagaga hor tegayo hoos-u-dhaca qiimaha lacagta Dollarka iyo sidii qiimo-jabin loogu sameyn lahaa lacagta Shilinka Somaliland, kadib markii ay dadka danyarta ah
saameyn laxaad leh ku yeeshay hoos u dhaca lacagta Dollarka ah.
Eng. Xaashi wuxuu sidaa ku sheegay Shirjaraaid oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa,waxa uu ka hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, hoos u dhaca ku yimi sarifka Dollarka kaas oo saamayn ku yeeshay maciishadda quutaldaruuriga ah oo iyadu halkeedii hore taagan. Eng. Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay mudadda yar ee ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu xubinta ka yahay iyo waxyaaha caqabaddaha ah ee ka hor yimi welina aan xalka laga gaadhin sida shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta gaar ahaan dhallinyarada somaliland.
Wasiirka maaliyada oo sharraxaad ka bixinaya qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka taagan hoos u dhaca lacagaha qallaad waxa uu yidhi, Waxaad ogtihiin inay dalka ka jirto dhibaato fara badan, waxa ka mid ah shaqaalo la’aan aad dhalinyaradii u shaqo la’adahay, dhibaatada labaad waa abaaraha ina haya qiimihi lacagta oo hoos-u-dhacay,waa dhibaatooyinka inoogu waa weyn ee maanta dalka ka jira.
Xukuummadan aan maanta anigu (Maxamed) ka midka ahay inaanu weli todoba bilood jirin, waa muddo gaaban wax aanu qabanayna way jiraan wax badan oo noo hadhsanina way jiraan, Mid waanu ku dedaalaynay oo waxa weeyaan shaqaalaha iyo ciidamada dalku waa dad lacag aad u yar qaata oo cid waliba og tahay, si ay lacag ku filan u qaataan waxaanu bishii January 2011 ayaanu uga bilawnay inay 100% u kordhino, laakiin mid halkaasi ku joogaysa maahe ilaa inta ay ka darayo beelayaan inaanu korodhsiimaha wadno ayaanu ku tallo-jirnaa ciidamada iyo shaqaalahaba, ayuu yidhi.
Dhinaca kalena sheegay in wax weyni u qabsoomay mudadii yarayd ee xukuumaddu jirtay, isaga oo sharraxaad ka bixinayana waxa uu mar kale yidhi.
Waxaad ka warheysaan inaanu 1500 oo macalin oo cusub inaanu ku darnay mushaharka,anaga oo uga dan leh in culeyska laga qaado danyarta Iskuul fiiga bixisa, Iskuuladii dawlada waxa looga tagay danyartii, tiradii ardeydu way badatay tayadii hoos ayey u dhacday, Class-yada qaarba lixdan sideetan sagaashan boqolka qaarba dhaafay, Inanka akhlaaqada xun lama eryo, ka saaqiday lama eryo waayo shilinkiisa ayaa la eexeysanayey,anaga oo taa ka duulayna ayaa waxaanu nidhi Iskuul Fiigi ha la dhaafo ayuu yidhi Wasiirka maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
Mar uu ka hadlayey dhibaato ay sababtay lacagta laga daayey ardeyda Dugsiyada hoose dhexe ayaa waxa uu yidhi Arrintaasi dhibaato ayey keentay nimankii macalimiinta ahaa ee u bartay lacagtan fiiga ee fara badan ee ay ka helayeen Magaalooyinka waaweyn gaar ahaan way ku adkaatay inay ka tagaan, kolba meel ayey ku soo gabadaan ilaa qaar mushaharkii la bixinayey uu qaarkood dib uga dhacay, oo sidii loo kala saari lahaa aanu wadnay.tacliinta dugsiga hoose dhexe inay dadku wada helaan oo bilaa lacag ahaada waa wax ummada u wanaagsan, laakin ninkii wax ku qabay way u dhadhami la’adahay, dad badan oo ku nafisay oo sadex caruura ama afar caruura oo suuqa wareegi jiray oodhan jiray hebalow caruurtii ayaan u la’ay lacagtii fiiga ee naga soo bixi oo bilwalba cid u tagi jirey way ka reysteen.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray Shaqaalaha Dawlada ee lacagta yar qaadanaya ninkii ay wax ugu jireen ee intaas ay ka hadhay wuu ka reystay, laakintii intii yareyd ayaa rabshadeedu aad u badan tahay, oo buuqeeduna uu badan tahay.
Shidaalkii dawladda ee bilaashka lagu guran jirey ee arroortii loo soo foof-tagayey isna waanu yareynay, waxaanuna ka dhignay in aan dadkii af-miishaarka ahaa aanu waxba ka helin, ilaa kolayga qaadka way saameysay, waxa meeshi socda dhibaatooyin noocaas ah, ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.
Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay korodhka loo sameeyay wasaaradaha waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha iyo Jaamacadaha kala duwan ee dalka. Dhakhliga ku baxaya tacliinta waxaanu kordhinay 146 [Boqol iyo lix iyo afartan] beeraha waxaanu u kordhinay 85 [shan iyo sideetan], caafimaadka 86 [lix iyo sideetan] korodhsiimo noocaas ah ayaanu u sameynay, iyaga oo ka warqaba afarta Jaamacadood ee u waaweyn ee Jaamacada Boorame, Jaamacada Hargeysa, Jaamacada Burco iyo Jaamacada Laascaanood 92, 000 [laba iyo sagaashan kun oo Dollar] sanadkiiba.
Eng.Maxamed Xaashi waxa uu dhaliil u jeediyey ardeyda reer Somaliland ee Jaamacadaha ka soo baxday, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi inkasta oo weli inamadeeni Jaamacadaha ka soo baxay aanay weli fahmin, sida ay wakhtigan casriga ah uga faa’ideysan lahaayeen Electronics-ka, waxa shaqada ka sugaan nin laf oo dhagax ku soo baxay, laakin inta ay Internet-ka galaan inay Sheeris iibiyaan, waxaad mooda inay tahay kaalin aanay kuba fikirn oo loo baahan yahay inay tacliintii ka faa’deeyaan.
Cashuuraad aanan qaadin oo aanu doonayno inaanu qaadno ayaan doonayaa inaan ka hadlo, tijaartuna ogaato cashuuraadka aanan qaadi jirin inay wax waajiba tahay oo aanu ku leenahay oo aanu qaadi doono, Wixii alaab Dekeda ka baxa waxaanu ku leenahay Cashuur,wixii bakhaarku sii iibiyana cashuur ayaanu ku leenahay [Sales Tax], waa cashuuraha aanu qaadeyno ee aanu xaqana u leenahay, waxa kale oo aanu qaadi doona cashuurta macaashal macaashka, waxa imika la qaada 2%-[boqolkiiba laba] ayaa laga qaada lacag Kastamka lagu qaadayaa waxay saareen dadweynaha ee macaashal macaash iyaga ka go’ay maaha, waxaanu damacsanay inaanu taas ka dhaafno sharcina may ahayn aniguna taas waraaqdeedi waan qoray, waxaanan nidhi macaashal macaash Kastamka lagu qaada ma jireyso, Markaanu tijaarta ku nidhaahno nala xisaabtama xaq ayaanu ugu leenahay, sharcina waanu u leenahay inaanu odhitgareyno Xisaabaakooda.
En. Maxamed Xaashi waxa uu hanjabaad u jeediyey ganacsatada Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi Markaanu ku nidhaahno Company-ga Shaqaalaha ku shaqeeya keen, tiradooda na sii oo waxay mushahar u qaataan noo sheeg,. Inay noo soo qoraan shaqaale tiro yar iyo lacag yar, dambiga ay galayaan waa mid lagu qaadi doono sharciyadiina maalintii dhaweyd Baanka adduunku wuu noo keenay sharciga ayaanu marinaynaa.
Ninkii cashuuraadka bixinwaayana waxaanu ka qaadi doona liisanka oo halkaas ayey kaga istaagi doonta ganacsigii ayuu yidhi Wasiirka maaliyadu.
Waxaana ka rajeynayaa wasaarada ganacsigu qiimaha lagu iibinayo cuntada iyo daruuriyaadka inay u ekaato sixirada uu dibada ka joogo, iyo waxa la siinayo oo wixii dadka loo jabin karo loo jabiyo inay arrintaasi dib u eegto.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu yidhi Horta waanigii yara qufacayey xasaasiyad aan Air Condition-kii aan ka soo qaaday mooyaane, laakin sida kale waan caafimaad qaba in baddan oo I soo duceysay way jirtay, shaqadiina waan shaqeeya inan soo cumreystana waan jecelay oo aan dibada u yara baxo waa in ILAAHAY loo mahadnaqaa.
Dollarkii hoos ayuu u dhacay, birtii Ethiopiana hoos ayey u dhacday tii Soomaaliyana ma jirto, lacagteena Shilin Somaliland-ta ahi inay sare u kacda wax la necbaysto maaha, lacagteeni Ethiopia ayey gashay Soomaaliya ayey gashay markaa wareegeedi ayaa yaraaday markaa Dollarku hoos ayuu u dhacay oo teeni ayaa qaaligarowday.
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay wakhtiga rasmiga ah ee ay lacagta ay soo daabacaan la isticmaalayo waxa uu yidhi Baanka waxaanu wada galnay heshiis, waxaanu u dirnay in la soo daabaco lacag aynu gobolada oodhan wada gaadhsiino Somaliland, hadhowtana aanu kayd kale soo daabacno, lacagtaas oo aanu filayno bishan soo socota April 2011 inay timaado dabayaaqadeeda, waxaanu isleenahay marka ay lacagteenu soo badato ayuu Dollarku sare u kici doona.
Tan lacag ururinta berigii aan Jabhada ahaa ee aan Xisaabaadka hayey waxa ii meel martay oo aan u aayey waa bakhayl, waxaanu haysanayna maba jirin, laakiin marka aad qof tidhaahdo waxaas ma hayo isaga xagiisa bakhayl ayaad ka tahay markaa imika waan u aayey oo dad-badani ima hungureeyaan.Ayuu yidhi wasiir Xaashi oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinayey Miisaaniydda dawladda ee sanadka 2011.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com