Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray xeer uu ku dhaqan gelinayo miisaaniyad sannadeedka xukuumadda cusub ee 2011, taas oo golaha wakiiladu ansixiyay todobaadkii hore. Kadib markii ay

 

dood iyo falanqayn ka yeesheen.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland C/llaahi Daahir (Cukuse), kaas oo u qoraan sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan gelinaayo Miisaaniyad Sannadeedka 2011-ka ka dib markii ay Golaha Wakiiladu Aqlabiyad ku ansixiyeen.

Maaxweynuhu :-
Markuu Arkay:     Qodobka 90-aad ee Dastuurka  Jamhuriyada Somaliland.
Markuu Arkay:    Qodobka 75-aad ee Dastuurka  Jamhuuriyada Somaliland.
Markuu Arkay :               Go’aanka Golaha Wakiilada, Go’aan Lr. GW/Kf-14/509/2011    ee ku Suntan 07/03/2011  ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyada 2011_ka ee Dawladda Dhexe, Dekedda Berbera, Dakhliga Haamaha iyo Lifaaqyada Miisaaniyadda Ku lammaan.

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad  Sanadeedka 2011-ka ee Dawladda iyo
Lifaaqyada Miisaaniyada Ku Lammaan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *