saddex maalmood qaatay oo uu taageero ugu raadinayay in mar kale loo doorto hogaaminta dalka kusoo maray deegaamo ka tirsan gobolka sanaag.
Mr. Rayaale waxa uu socdaalkaa kusoo maray deegaamo ka tirsan gobolka sanaag,waxa uu ahaa mid uu taageero ugu raadinayo ololaha doorashada. Kadib markii xisbiisa UDUB soo waajaheen kala daadsanaan iyo weji gabax ay kala kulmeen tan iyo markii isu soo baxyada Ololaha doorashada xisbiyadu ka bilaabeen dalka horaantii bishan.
Waxaana wararka la xidhiidha socdaalkiisu tibaaxeen inay shacbiga gobolka sanaag iyo deegaamada uu booqday si fiican usoo dhoweeyeen, balse ay u muujiyeen fariin cad oo ay ugu sheegayaan inaanu ku xisaabtamin inay wax coda siiyaan. Hase yeeshee ka hor intii aanu kasoo duulin xarunta gobolka sanaag ee Ceergaabo wuxuu shacbiga hadal kooban uga jeediyay fagaaraha Beerta xoriyada, isagoo weli sii wada balanqaadyadii sideed sanandood ka hor uu xiligan oo kale ku balan qaaday oo aanu waxba ka qaban.
Sidoo kale wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshayqaar ka mid ah Odayaasha gobolka sanaag, kuwaas oo jawaabo weji gabax ku noqday ay kaga soo bexeen, iyadoo qaarkood weydiiyeen halka ay ku danbeeyeen balanqaadyadii hore iyo waxa uu ka qabtay. Waxa jiray warar socdaalka musharaxa UDUB ee xiligan ku tilmaamayay mid sheekooyin qarsoon iyo qorshayaal hoose lagu xidhayo, waxaana jira warar sheegaya in kulamadii ugu muhiimsanaa ee Mr. Rayaale halkaa u tegey qaarkood is bedeleen. Kadib markii xubno mihiim ah oo ka qayb qaadan lahaa iman waayeen, balse ay qorshayaasha iyo kulamada qaarkood si hoose u socden mudadii uu halkaa ku sugnaa.
Madaxweyne Rayaale oo ah musharaxa UDUB, isagoo aan wax rajo ah ka qabin gobolada dalka ee kale waxa uu doortay inuu diyaarad u raaco gobolka ugu fog Somaliland oo uu awoodi waayay inuu maro wadada rafka ah ee dhibaatadu ka haysato bulshada gobolka, taas oo uu todoba sannadood ka hor balanqaaday inuu samaynayo, balse aanu waxba ka qaban.
Booqashada xiligan ee bulshada ku dhaqan gobolka sanaagayaan wax rajo iyo yidiidlo ah usoo kordhin musharaxa xisbiga UDUBoo ay ugu danbaysay bulshada gobolkaa xiligii ololaha doorashada madaxtooyada ee la doortay isaga oo laga joogo todoba sanadood iyo saayid. Ka dib markii ay mudadii shanta sannadood ee dastuuriga ahayd, isla markaana uu ka war wareegay in dalka laga qabto doorashooyin xiliga dastuurku jideedayay, taas oo keentay muran iyo khilaaf siyaasadeed oo khatar geliyay xaalada. Kadib markii mudo kordhin aan sharciga waafaqsanayn loo sameeyay dhawr jeer.
By,CarraaleM. JamaFreelance Journalist and Human Rights Activist
Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences and repeat visits. By clicking “Accept All”, you consent to the use of ALL the cookies. However, you may visit "Cookie Settings" to provide a controlled consent.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.