Addis-Ababa(ANN)  Labada dawladeed ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa ka wada hadlay xaalada colaadeed ee dhowaan ay ka alooseen deegaanka duleedka buuhoodle ee Kalshaale kooxda nabad-diidka ee la baxay SSC oo weeraro kusoo qaaday ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaa,

 

balse maxaabiistii laga qabtay loo sii daayay laba maalmood ka hor.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay dhigiisa Arrimaha Dibada Ethopia  , Dr. Hailumariam Desaglen, waxaanay labada masuul ka wada hadleen nabadgelyada mandaqada iyo arrinta Kalshaalle.
Sidaana  waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka saxaafada ee wasaarada arrimaha Dibada Somaliland, kaas oo   u dhignaa sidan:-
“Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya ayaa la kulan shir ah la qaatay  Raysal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, mudane Hailumariam Desaglen, islamrkaa ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Itoobiya.  Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya maalintii Isniintii ee ay taariikhdu ahayd 28 ka February, waxaa lagu lafaguray arrimo khuseeya nabadgalyada iyo siyaasadda gobolka, waxaana si qoto dheer loo taabtay qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyada nabadgalyada waxyeelaya ee ka jira mandaqadda.
Arrimaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen labada dhinac waxaa ka mid ah arrintii ka dhalatay deegaanka kalshaale iyo mawqifka ay arrintan ka qaadatay Puntland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu tilmaamay in ay u arkaan mawqifka Puntland arrintann ay ka qaadatay mid faragali toos ah ku aha arrimaha u gaarka ah Somaliland, taasi loo tarjuman karo gardarro caddan ah.
Wuxuuna Wasiirku caddeeyay hawlgalada nabadgalyo doonka ah ee ay xukuumadda Somaliland ka waddo deegeenkaasi , iyadoo ay door wax ku ool ah ka qaadanayaan hogaamiye dhaqameedyada  Somaliland iyo odayaasha deegaanka si nabad loogu soo afjaro khilaafka ka dhex dhacay labada beelood ee deegaankaasi wada dega. Wuxuuna wasiirku ugu  baaqay maamulka Punland inay joojiyaan farigalinta arrimaha Somaliland iyo taakulaynta kooxaha nabad-diidka ah ee gacan saarka la leh argagixisada.
Itoobiyana dhinaceeda waxay shaaca ka qaaday inay soo dhawaynayso, islamaarkaana taageerayso, hawlaha horumarinaya nabadgalyada iyo xasiloonida, jeceshahayna in arrinta ka dhalatay deegaanka kalshaale iyo nawaaxigeeda lagu soo dhammeeyo nabadgalyo.
Waxayna  labada geesood tilamaameen sida loogu baahan yahay inay si wada jir ah ugawada shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa khataraha ka iman kara nabadgalyada xumamada oo saamayn kuwada yeelan kara gobolka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *