Hargeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa ku qaabilay qasriga Madaxtooyadda Somaliland wefdi ka socda dalka Britain oo ka kooban ganacsato maal qabeeno u dhashay dalkaa, kuwaas oo ugu bushaareeyay Somaliland inay marti qaad uga sidaan xafiiska arrimaha debeda ee Britain

 

shir lagu qabanayo dalkaa bisha Murch ee sannadkan, kaas oo lagaga hadli doono sidii fursado maalgashi ay Somaliland iyo Britain uga wada hadli lahaayeen.

Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada kulankaa ka dib oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxtooyada Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse, qoraalkaa oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan;-  “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ka socda Wadanka Ingriiska oo  ka koobna Ganacsato iyo Maal-gashadayaal.

Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay  badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Inna dhaafay.

Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu  inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka.

Kulanka Weftigan  oo jewi wanaagsan laysku qaabilay waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay ka sidan Xafiiska Arrimaha Debeda Ingiriiska Casuumad Sadex Wasiir oo Xukuumada Somaliland ka Tirsan oo ka qayb gala Shir balaadhan oo Ganacsi iyo Maal-gashi ku saabsan oo dhexmara labada Dal  oo ka dhicidoona Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska Dhamaad ka Bish March ee Fooda inagu soo haysa Arrintaas oo ah tii ugu horaysay oo Heer Laba Dawladood ah aynu wax u wada qabsano

Madaxweynuhuna Waxa uu Dhiniciisa Faah-faahin Balaadhan oo mugleh ka bixiyey Halka uu Maraayo Huru-marka Dalkan Somaliland isaga oo ku soo Dhaweeyey kuna Dhiiri geliyey inay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka

Madaxweynaha waxa kulankan ku Wehelinaayey Wasiirada . Kaluumaysiga Khayraadka Bada, Macdanta iyo Biyaha, Beeraha, iyo Qorshaynta Qaranka.


Weftigan oo dalka ku sugnaan Doona Shan maalmood waxay  kulmo la yeelan donaan Gacnasatada Dalka iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *