Muqdisho(ANN)Dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul la doonayo in lagaga hor tago kooxaha ka dagaalama Muqdisho iyo gobolada  kale ee Somalia ayaa laga wadaa xarunta magaalada Magaalada Muqdisho ee ay hadheeyeen dagaalada iyo colaaduhu labaatankii sannadood ee u danbeeyay. Kadib markii

ay sida ay wararku sheegayaan ay kooxo dhalinyaro ah oo ku nool halkaa go,aansadeen inay abaabulaan kacdoon ka dhan ah ciidamadda dawladda taagta daran iyo kooxaha Al-shabaab iyo xusbul islaam ee ka dagaalama halkaa.

Kooxaha dhalinyarada ah ee abaabulaya dhaqdhaqaaqyada kacdoonka la doonayo in lagaga takhaluso dhinacyada dagaalka ka wada halkaa ayaa ah dhalinyaro ka shidaal qaadanaya kacdoonadii xukunka lagaga tuuray madaxdii dalalka Carbta ee Masar iyo Tuuniisiya, kuwaas oo kacdoono dhinaca shacabka ka yimi sababeen inay xukunka ka degaan oo ay ka baxaan dalalkii ay xukumayeen mudada dheer.

Waxayna wararka ka imanaya magaalada Muqdisho sheegayaan inay kooxahaa dhalinayarada ah oo ku nool caasimada magaalada muqdisho ku  balansan  yihiin inay  maalinta berita ah ay mudaharaad aad u weyn iyo isu soo bax ka bilaabaan magaalada Muqdisho oo ah goob dagaalo iyo qalalaase hadheeyay labaatankii sannadood ee u danbeeyay, isla markaana aanay ka jirin dawlad iyo nidaam toona, taas oo keentay inay kumaan qof ka barakacaan guryohoodii, halkaa kumanaan kalena ku naf waayeen.

Mid ka mid ah dhalinayarada   qaban qaabiyaasha mudaharaadyada berito la filayo inay ka  dhacaan  magaalada muqdisho Jaamac Saciid Qorsheel oo ayaa  sheegay inay wadaan kacdoono  lagaga  soo horjeedo dowlada somalia iyo ururka alshabaab.

 

Inkasta oo ay wararku sheegayaan inay kacdoonada loo balansan yahay inay halkaa ka bilaabaan lagu waajaho kooxaha iyo dhinacyada ku hirdamaya  magaalada muqdsiho, isla markaana la doonayo in lagu bartilmaameedsado sida ay shegayaan wararku meelaha fara ku tiriska ah ee ay ku suganyahiin dowlada Somalia iyo kooxaha islaamiyiinta ururka Al-shabaab iyo xisbul Islaam, haddana waxa la saadaalinayaa inay adag tahay sida ay gebei ahaanba magaalada Muqdisho uga suurta galaan kacdoono noocan ah oo lagaga hor tegayo dagaal oogayaasha sidii kuwii dhacay dhawr sanno ka hor ee lagaga takhalusay hogaamiye kooxeedyadii awooda badnaa ee mudada dheer kala goo goostay magaalada Muqdisho, kuwaas oo gedood shacbi lagu dareeriyay.

 

Dhinaca kale dhalinyarada ku nool caasimada muqdisho ayaa soo dhaweeyay kacdoonadii ka dhacay tuunis iyo masar ee xukunka lagaga tuuray madaxdii dalalkaa.

lakiin magaalada muqdisho ayaa hada u kala qaybsan  dowlada Somalia oo meelo tiro yar ku sugan  iyo ururka alshabaab oo inta baddan gacanta ku haya magaaladaa, iyadoo ay dagaalo ka fool ka fool ah labada dhinac isku qaadaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inay adagtahay inay shacbiga ku dhaqan magaalada Muqdisho ku dhiiradaan inay si badheedh ah kacdoon ugaga hortagaan kooxaha Al-shabaab iyo dawladda taagta daran ee Somalia, iyadoo ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin ciidamo shisheeye oo loogu yeedho nabadta AMISOM.

 

Sidaa awgeed  lama garanayo sida ay suurta gal u tahay  inay  halkaa ka dhacaan mudaharaadyo, iyadoo ay  magaalada Muqdisho tahay meel ay  20 sannadood  dagaalo ka soconayeen, isla markaana ay jirto kala xidh xidhnaan dhinaca bulshada ku dhaqan halkaa oo noqday kuwo ay  siyaasadooda kala fogaatay  oo aad ugu  kala duwan  fekerka iyo mabaadiida.

Araweelonews Mobile

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *