Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa amar ku bixiyay inay wasaaradda gaashaandhigu  sida ugu dhaqsaha baddan u  dhamaystirto diwaangelinta Ciidanka iyo agabkooda Milateri si loo bilaabo

 

derejooyinka ciidanka oo ay xukuumaddiisu hore ku balanqaaday, isla markaana diyaarinteedii gebageba tahay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaa ka sheegay munaasibadda  sannad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka oo uu  maanta ka qeyb galay, taas oo lagu qabtay Taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland ee Hargeysa. 

Ka qaybgalka Xafladaa oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen Wasiirro ka tirsan xukuumadda, saraakiisha ciidamadda iyo masuuliyiin kale, wuxuu khudbad uu  Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay  jeediyay ku  yidhi,  “ Maanta oo ay bishu tahay 02/02/201, waxaynu xusaynaa sannad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Qaranka Jamuuriyadda Somaliland.
Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka reer Somaliland, ka goloyaasha qaranka Iyo magacaygaba waxaan hanbalyeynayaa dhamaan ciidamada Qaranka iyo saraakiishooda munaasibada dhalashadooda aawadeed, waxaanna ILLAAHAY ugu baryayaa in uu snadka sanadkiisa inagu wada gaadhsiiyo Nabad qab Caafimaad iyo Hurumar.”

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu isagoo iftiiminaya taariikhda ciidanka qaranka  yidhi,   “Ciidanka Qaranku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha gundhiga u ah Qaranimada Jamuuriyada Somaliland, waxa uu laf-dhabar u yahay difaaca iyo ilaalinta nabad galyada dalka, asaaska Ciidamada Qaranku waxa uu ka soo bilaamay Halgankii Somaliland iyo shirarkii nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, Ciidamada qaranku waxa ay ka soo qayb qaateen gundhiga  Dumuquraadiyada iyo nabada ay Somaliland maanta ku naaloonayso.”

“Ciidanka Qaranku waxa ay door libaax leh ka qaateen halgamadii  laga fuliyey Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoole, waxa kale oo ay Ciidanka Qaranku si xoogan ugu qayb qaateen sugida ammaanka iyo gacansiinta Ciidanka Booliska, waxaan ku ammaanayaa anshaxa iyo habdhaqanka wanaagsan ee ay ciidanka Qaranku kula dhaqmeen bulsho weynta ku dhaqan guud ahaan goboladaasi, taasi oo ay  ka markhaati kaceen dadkaasi,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo  wuxuu ku amray Wasaaradda gaashaandhiga in degdeg loo dhamaystiro hawlaha diiwaan gelinta ciidanka qaranka iyo agabkooda si ayuu yidhi loo bilaabo hawsha bixinta derejooyinka waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Aniga oo dareensan Daruufaha ku xeeran Ciidanka Qaranka isla markaan og muhiimad ay u leeyihiin qarankan waxa aan mushaharka u kor dhiyey  100%, is sare loogu qaado tayada iyo anshaxa Ciidanka iyo Hubka waxa aan farayaa Masuuliyiinta wasaarada Gaashaan dhiga

1- Bilowga diiwaan galinta ciidamdda iyo agabka si hore loogu dhamays tiro barnaamijka Darajada Ciidamada, taasi oo qayb libaax ka qaadanaysa Karaamda iyo qaranimada dalka,
si si looga hor tago cadowga Somaliland oo hore isugu dayey in ay dalkan qaraxyo ka fuliyaan waxaan farayaa Ciidanka Qaranka in ay sugaan guud ahaan Xuduudaha, isla markaan a ay Gacan siiyaan Ciidamada Ilaada Xeeebaha, Booliska, Asluubta, iyo hay’adaha Sirdoonka Qaranka si aynu uga hor tagno dhamaan wax yaabaha ay damac san yihiin Cadowga Somaliland.” Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani  ayaa hadal kooban oo  uu munaasibadaa ka jeediyay kaga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddooyinkii u dambeeyay iyo guulihii uu ciidanka qaranku ka gaadhay dhinacyada tayaynta ciidanimo, qalabka  iyo saannadda milatari, waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “Kun askari ayaa noogu jira dugsiyada tababarka Sheekh, Dararwayne iyo Gorayacowl, waxa noo maqan tababaro dibadda ah oo ay ka mid yihiin Dhakhaatiir, Farsamada, Kamaadowsta iyo kalkaaliyayaal caafimaad, intaa  ayaa sannadkan noogu maqnaa  tababarro dibadeed.

Waxa soo dhamaystay koorsooyinkii, Engineerada 16  Injineer  oo soo laabtay, saraakiisha farsamada 10 ayaa soo dhamaystay, kalkaaliyayaal caafimaad oo saddex sanno soo dhamaystayna way joogaan oo way yimaadeen, waxa bishan March soo dhamaysanaya kooraska 10 Dhakhtar oo shan sannadood soo dhamaystay koorsadoodii, waxa kale oo soo dhamaysanaya todoba sarkaal, waxa kale oo loo soo xidhi doonaa isla bishaa 50 askari oo Kamaandoos ah oo macalimiin noqon doona oo ciidanka  tababara.”

Taliyaha Ciidanka qaranka Gen. Nuux Taahi waxa uu sheegay in ciidamo tiro badani ay tababar dibadeed ugu maqan yihiin oo qaarkood dhowaan soo dhamaysan doonaan.
Sidoo kale  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga, Axmed X. Cali Caddami oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ciidamada qaranka iyo qoysaskooda waxaanu ILAAHAY uga baryay inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.
Wasiirku waxa uu si cad u sheegay in naafada iyo Agoomaha ciidanka qaranka ay ku jiraan mushahar kordhinta ciidamadda iyo shaqaallaha oo ay  bishii January ee sannadkan ka bilaabmayso kordhintaa xukuumaddu samaysay.

gebagebadii  xafladaa ayaa  lagu soo bandhigay riwaayad ka waramay  taariikhda iyo doorka Ciidammadda qaranka, riwaayadaasi oo ay jilayeen fanaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *