Mr. Andrew oo ah Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriisku waxa uu sidaa ku sheegay war murtiyeed uu ka akhriyay shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay Huteelka Ambassador ka hor intii aanu dalka ka dhoofin isaga iyo weftigii uu hoggaaminayay.
Warsaxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ah aanu idiin soo turjunay waxa uu u dhignaa sidan:-
Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell, wuxuu maanta Hargeysa oo uu booqasho ku yimid, kaga dhawaaqay inay UK afar jibaartay kaalmooyinkii uu siin jiray Somaliland.
UK wuxuu kordhiyay taageerooyinkii iyo kaalmooyinkii uu siin jiray Somaliland sadexda sanadood ee soo socda, waxaanu kordhin doonaa Horumarinta, la dagaalanka faqriga, waxaanu sii sii adkayn doontaa dhinacyada Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyada.
Waxtarkan cusub ee la kordhiyay waxa ku jiri doona talaabooyinkan soo socda:-
“Waxa ku jiri doona shaqooyin joogto ah iyo ganacsi taasi oo dawlada UK dooonayso inay abuuri doonto 22,500 oo shaqo illaa 2015, shaqooyinkaasi oo 7,500 la siin doono Haweenka, waxa kale oo uu 6 Milyan oo Gini ku bixin doonaa maalgelinta gaarka ah 2014-ka, taas oo lagu horumarinayo kaabeyaasha ganacsiga sida suuqyada iyo habaynta Hilibka.
Britain waxay horumarinaysaa adeega caafimaad ee Somaliland gaar ahaan Haweenka iyo carruurta. Ingiriisku wuxuu kordhinayaa tasiilaadka goobaha adeegyada caafimadaadka ee shaqanaya ee Somaliland laguna bilaabi doono shan goobood, lana gaadhsiin doono 40 goobood sanadka 2015-ka
waxaanu balaadhinaynaa sidii carruurta shanta sano ka yar ee Somaliland tallaalka loo gaadhsiin lahaa 45% illaa 65%.
Taageerada Ingiriiska waxa kale oo ku jiri doonta gacan siinta Booliska si ay u noqdaan qaar shaqaynaya oo si hufan u adeegaya. Waxa kale oo aanu dawlada Somaliland ka taageeraynaa in kor loo qaado dakhli cashuureedka waxa kale oo aanu horumarinaynaa adeegyada kale ee bulshada ee maxaliga ah sida Biyaha, Fayo-dhawrka iyo waddooyinka oo aanu ka taageerayno 9 ka mid ah 20 degmo oo Somaliland ah.
Mr. Mitchell waxa kale oo uu kaga dhawaaqay kaalmada deg dega ah ee Britain ku caawinayso dadka Somaliland ee ay saamaysay abaartu oo wax lagala qabanayo 20 kun oo qof oo degan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo la gaadhsiinayo Biyo nadiif ah, adeeg caafimaad oo deg deg ah.
Somaliland waxay ku soo bandhigtay dimuqraadiyad weyn, deganaansho iyo dawlad, gobolkan adag, maanta waxaan qaatay fursad aan kula kulmo Somaliland oo u heelan inay musqabal fiican u sameeyaan nafahooda iyo qoysaskooda.
Caawimada UK ee Somaliland-na waxay wax ka tari doontaa in la abuuro mustaqbal wanaagsan, waxaanay caawin doontaa, Ragga, Dumarka iyo Carruurta Somaliland inay ku nolaadaan nolol aan baqdin iyo waxyeelo lahayn, sidaasna ay ku kasbadaan waxsoosaarka nolashooda.
Wuxuu booqday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo uu soo eegay waadhadhka carruurta, halkaasi oo uu ka socdo tababar ay caawiso dawlada UK, waxa kale oo uu booqday xarunta taliska Booliska si uu u soo arko, tababar la siinayay Booliska.
Waxa kale oo uu booqday dugsi lagu barto quraanka kariimka ah oo la yidhaahdo Al- Najax, halkaasi oo uu kula kulmay bareyaasha iyo ardayda quraanka dhigata ee madarasadaasi.
Wuxuu maanta furay bilowga mashruuc ay dawlada UK maalgelinayso. Kaas oo ay shaqo ka heli doonaan 22,500 oo qof illaa sanadka 2020 ee fooda inagu soo haya, mashruucaasi oo loo soo gaabiyo (SEED) Sustainable Employment and Economic Devolopment. Waxa kale oo uu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka.”
Wasiirka iskaashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Britain oo wax laga weydiiyay ictiraafka Somaliland ayaa sheegay in dawlada Britain ay taageerayso horumarka, nabadgelyada iyo dumuqraadiyadda Somaliland, balse waxa uu xusay in arrinta aqoonsiga Somaliland u taallo dalalka gobolkan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com