Djibouti (ANN) Dawladda Jabuuti ayaa xabsiga dhigtay daraasiin dad ah, isla markaana ciidamada amaanka ayaa baadi goobaya qaar ka mid ah dadkaa oo qayb ka ahaa mudaharaad boqolaal dad ahi isugu soo baxeen Jimcihii toddobaadkan oo ay ku dalbanayeen inuu xilka ka degmo Madaxweyne
Ismaaciil Cumar Geelle oo markii saddexaad u sharraxan doorashada Madaxtooyada dalkaa.
Dadweyne boqolaal ah ayaa maalinimadii Jimcihii toddobaadkan isugu soo baxay badhtamaha magaalada Jabuuti, iyagoo ku mudaharaadaya Madaxweynaha dalkaa u taliya Ismaaciil Cumar Geelle. Kuwaas oo dalbanayey inuu xilka iskaga dego, iyagoo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo ka dhan ah madaxweynaha Jabuuti sida ka muuqata canjalad maqal iyo muuqaal oo xalay lagu faafiyey shabakadda wararka ee Oodweynenews.com.
Dhinaca kale Dad ku sugan magaalada Jabuuti ayaa xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey inay ciidammada ammaanku labadii maalmood ee u dambeeyey magaalada ka ugaadhsanayeen dad lagu eedeeyey inay ka mid ahaayeen kuwa mudaharaadka sameeyey, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay qaarkood, halka ay ciidamadu weli raadinayaan kooxo kale oo ka mid ah dadkaa.
Ma jirto war rasmi ah oo caddaynaya tirada dadka la sheegay in xidhxidhay, iyada oo warbaahinta adduunka iyo idaacadda afka Soomaaliga ku hadlabaa ka gaabsadeen inay ka waramaan mudaharaadka ka dhacay Jabuuti, balse sida warku sheegayo waxa la qabqabtay dad fara badan oo loo aanaynayo inay qayb ka ahaayeen mudaharaadkaa.
Mudaharaadka oo lala xidhiidhinayo inuu qayb ka ahaa kacdoonnada ka dhanka ah hoggaamiyayaasha dunida Carabta ee talada dalalkooda ku raagay, balse aanay warbaahinta dunidu si fiican usoo bandhigin, ayaa waxa shabakadda internetka ee Youtube lagu baahiyey muuqaal kooban oo muujinaya mudaharaad dadweyne fara badan oo reer Jabuuti ahi isugu soo baxeen , kaas oo ka dhan ah xilka Madaxweyne Geelle, waxaannay dadweynahaasi ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin ‘Ha dhaco,’ isla markaana waxay siteen boodhadh ku qoran luuqada Faransiiska oo ay ku dalbanayeen in Madaxweynahoodu xukunka ka dego.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com