Hargeysa (ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta saddex sanno oo Ganaac lacageed oo lix milyan oo Somaliland ah ku xukuntay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxauud Cabdi Jaamac (Xuuto), ka dib markii lagu helay dacwado kala duwan oo ay ku soo oogeen Taliska Booliska iyo

 

Wakaallada Korontada Somaliland.

Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen oo dacwadiisu bil ku dhawaad ka socotay Maxkamadda Hargeysa, islamarkaana la dhegaystay dhinacyada dawcada ku soo oogay, ayaa aakhirkii  Maxkammadu ku xukumay saddex sanno oo xadhig ah, kaas oo bilaa iib ah iyo weliba ganaax lacageed oo dhan lix Milyan oo shilinka Somaliland ah, ka dib markii Guddoomiye Xuuto ku guul-daraystay keenista caddymo laga dalbaday.

Mr. Xuuto ayaa isla maantaba loo dhaadhiciyey xabsiga, waxaannu hadda ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa ka hor inta aan loo gudbin xabsiga wayn ee Mandheera.

Xukunka lagu riday Guddoomiyaha Waaheen, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ka dhaca Somaliland, waxaana dacwadu ka socotay maxkamadda isagoo laga dalbaday inuu soo caddeeyo faddeexado uu ka qoray masuulliyinta goobaha aan soo sheegnay, halka xukuumaddii hore aan marnaba weriyayaasha loo ogolayn inay si xoriyad ah maxkamadda iskaga difaacaan eedo loo haysto oo xabsiga uun loo taxaabi jiray.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *