Berbera(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa socodaalkii u horeeyay ee uu ku booqdo meel ka baxsan Caasimada Hargeysa, marka laga reebo socdaalo uu ku tegey dalalka Britain, Ethiopia Iyo Djibouti ku tegey maanta xarunta Saaxil
ee Magaalo xeebeeda Berbera, tan iyo markii uu ku guulaysaty doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 jun 2010.
Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaan la sheegin ujedadiisa, balse waxa keliya ee la xaqiijiyay inuu uga sioi gudbayo xarunta Saaxil ee Berbera dhinaca gobolka Togdheer. Hase yeeshee mushkilado iyo duruufo ka taagan gobolka Saaxil oo khasab noqday inuu Madaxweyne Siilaanyo ugu horaysiiyo safarkiisa, meelaha uu booqday iyo arrimaha ka taagan halkaa ee ku wajahan safarka Madaxweynaha iyo xaqiiqooyinka ka jira deegaanka ayaanu warbixintan idiinku soo gudbinaynaa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka gaadhay magaalo xeebeedda Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ee dhinaca gobolada Barri ayaa lagu tilmaamay mid la xidhiidha inay ujeedadiisu tahay sidii uu ugu kuur-geli lahaa xaaladdaha dhinacyada Nolosha iyo duruufaha ka taagan halkaa ee xiligan Bulshada gobolada uu booqan doono, si uu qiimayn ugu samaynayo Biyo la’aanta iyo Abaaraha kulul ee ku dhuftay gobolada dalka, gaar gobolada Barriga oo xaaladooda Nololeed maalmihii u danbeeyay qaylo ka imanaysay.
Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefdigiisu xarunta gobolka Saaxil uga sii gudbi doonaan dhinaca Togdheer iyo Sanaag, balse Booqashada Sanaag ee Madaxweynaha ayaan weli si cad loo xaqiijin. Weftiga madaxweyne Siilaanyo oo ay xubno ka yihiin Wasiiradda Cadaaladda Prof. Ismaaciil Muumin Aar, Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Dr. Sacad Cali Shire, Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina X. Maxamed Jirde iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaliland.Wefdiga Madaxweynaha waxaa kusoo dhaweeyay magaalada Berbera Masuuliyiinta dawlada ee gobolka Saaxil, Xubnaha Gollaha deegaanka iyo dadweyne tiro baddan, waxaase soo dhowaynta Madaxweynaha iyo wefdigiisa si weyn uga dhex muuqaday Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor oo aan saaxada siyaada lagu arag tan iyo intii ay dhacday xukuumaddii Rayaale ee uu gacanyaraha u ahaa doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee dalka ka qabsoontay 26 Jun 2010.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu booqday Madaarka Magaaladda Berbera oo laga fuliyay mashaariic cusub oo dib u dhis mudadii Xukuumadda cusub, kuwaas oo uu xadhiga ka jaray maanta. Sidoo wuxuu booqday dawladda hoose, isagoo xadhiga ka jaray sideed wado oo laami ah oo ay dawladda Hoose ee Berberi ka fulisay magaaladda. Markaa kadib Madaxweyne Siilaanyo wuxuu booqday Dekedda magaaladda Berbera oo laga hirgeliyay mashaariic dib u dhis ah iyo qalab casri ah oo lagu xidhay dhowaan oo uu xadhiga ka jaray. iyadoo markaa ka dibna loo galbiyay guriga martida ee magaalada Berbera oo la dejiyay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa amar ku bixiyay in dib u dhis lagu sameeyo wadada Laamiga ah ee u dhaxaysa Berbera ilaa Degmadda Dacar-Budhuq oo burburtay, taas oo maanta si rasmi ah loo bilaabay dib u dhiskeeda, wuxuuna si weyn ugu riyaaqay Madaxweyne Siilaanyo mashaariicda laga fuliyay xarunta gobolka saaxil ee Berbera oo uu ku tilmaamay kuwo loo baahan yahay in lagu daydo.
Ilaa hada si cad looma oga in Madaxweyne Axmed Siilaanyo usii gudbi doono goboladda kale ee Barriga iyo in kale, balse xoggo ay shebekadda wararka ee Araweelonews heshay ayaa sheegaya inay Madaxweyne Siilaanyo horyaaliin duruufo iyo mushilado siyaasadeed oo ka taagan xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, kuwaas oo la xidhiidha tabashooyin dhinaca Maamulka ah, muran iyo khilaaf u dhexeeya gollaha deegaanka iyo bulshada gobolka Saaxil oo ku doodaya in aanay dhinaca maamulka waxba iska bedelin, taas oo keentay inay soo ifbaxaan mushkiladihii adeegyada aasaasiga ah ee Biyaha iyo laydhaka oo aan waxba laga qaban, kuwaas oo xiligii kaanbaynka ku balanqaaday inay wax ka qabanayso, balse aan waxba laga qaban.
Sidoo kale waxa mushkiladaha iyo tabashooyinka ka taagan halkaa ka mid ah dhulkii danta guud oo si ba’an loo boobay mudadii kala guurka, gaar ahaan dhulkii Kaydka Dekedda oo xukuumaddii Rayaale oo dhul boobka ku caanbaxaday joojisay, balse mudadii kala guurka iyo xiligii Xukuumadda cusubi aanay caga dhigan laga bineeyay dhismayaal cusub, isla markaana ay ku guuldaraysteen masuuliyiinta gobolka Saaxil inay joojiyaan oo dhegeystaan awaamiirta loogu sheegayay in la joojiyo dhulkaa ee kasoo baxayay Hay’addaha garsoorka.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Ramaax oo u muuqday markii loo magcaabay gobolka Nin Firfircoon ayay hadda qaar baddan oo ka mid ah bulshada deegaanku u arkaan Nin ku dhexmilmay kooxdii hore uga amar ku taaglayn jirtay gobolka oo ku haftay siyaasadaha iyo kooxaysiga ka taagnaa halkaa, waxayna taasi keentay inay Cabashooyin ka imanayay gollaha deegaanka ee Berbera oo dhinaca maamulka ah ay sababaan inay hantidhawrka guud ee qaranku qorsheeyaan inay halkaa tagaan bishii u danbaysay ee sannadkan. Kadib markii ay soo baxeen inay masuuliyiinta gobolka Saaxil qaarkood faraha kula jiraan arrimo musuq-maasuq, iyadoo ay si weyn dadku farta ugu fiiqayeen halka ay mareen miisaaniyaddihii dawladda hoose ee gollaha deegaanka oo aan la arkin, lana maqal labadii sannadood ee u danbeeyay. Sidoo waxa tuhun iyo shaki weyn abuuray oo calaamatu su’aal la saaray halka ay martay lacag 600MLY ah oo ay Xukuumadda dhexe ugu deeqday in lagu fuliyo mashaariic laga hirgeliyo xarunta gobolka Saaxil, balse aan ilaa hada si cad loo ogayn meel la mariyay, marka laga reebo saddex gaadhi oo mid ka mid ah looga iibiyay Ciidanka wadooyinka, Maayarka Degmada Xagal iyo gaadhi uu iibsaday Badhsaabka Saaxil.
Hase yeeshee Markii ay soo baxeen arrimahaa iyo kuwo kale ee ay qaybo ka mid bulshada deegaanka iyo xubno gollaha deegaanka ahi ka codsadeen Xukuumadda dhexe in hantidhawrka loo soo diro, waxa dalabkaa ka horyimi Badhasaabka oo dhexsabaynaya kooxda la kortay musuq-maasuqa, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo ka codsay in la hakiyo booqashada hantidhawrka ee Saaxil oo uu ku tilmaamay mid Xukuumadda ka horkeenay shacbiga, taas oo ay inata baddan bulshada ku dhaqan halkaasi u arkayeen mid afgobaadsi ah, balse sidaa lagu hakiyay hantidhawrkii u xidhxidhnaa Saaxil, taas bedelkeedana uu Madaxweyne Siilaanyo booqasho ku tago si uu xaqiiqda usoo taabto.
Meelaha tabashooyinka ugu badani ka jiraan ee dhinacayada adeegyada aasaasiga ah, waxa ka mid ah wersheda Laydhka Magaaladda Berbera oo aanu ilaa hadda ka jirin wax qorshe iyo nidaam ah oo qeexaya maamulkeeda iyo cidda iska leh, iyadoo ay weli qabyo tahay hawshii Wersheda Laydhka oo ay gacanta ku hayaan dad shicib ahi. Sidoo kale wakaaladda Biyaha oo ah meelaha cabashooyinka ugu baddan ee dhinaca Bulshadu ka taagan yihiin ayaa Maamuleheedu diiday inuu ku wareejiyo Wasaaradda macdanta iyo Biyaha Somaliland. Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo degreeto kusoo saaray dhowaan in lagu wareejiyo Wasaaradda macdanta iyo Biyaha, iyadoo ay dadka deegaanka Berbera ku doodayaan inuu masuulka gacanta ku hayaa sida uu doono ugu tagri falo. Dhamaan arrimahaa iyo kuwo kale ayaa ka mid ah tabashooyinka horyaala Madaxweyne Siilaanyo oo xalkooda looga fadhiyo mudada uu joogo Berbera, isagoo kulamo la yeelan doona Masuuliyiinta Gobolka iyo qaybaha kale ee Bulshada.
Ilaa hada lama xaqiijin inuu safarka Madaxweyne Siilaanyo oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku tago gobolada Somaliland qaarkood tan iyo mudadii uu xilka Madaxweynaha ku guulaystay doorashadii 26 jun 2010, balse waxa la saadaalinayaa inay mushkilado iyo tabashooyin is dul fuulay oo siyaasadeed iyo kuwo maamul oo fara badani ku sugayaan Madaxweyne Siilaanyo haddii uu safarkiisa usii jiheeyo dhinaca gobolka Sanaag oo gebei ahaanba aanay bulshada ku dhaqani wax isbedel ah arag tan iyo intii Xukuumadda cusubi la wareegtay xilka, iyadoo ay halkaa Madaxweyne Siilaanyo ku sugayaan duruufo aan waxba laga qaban oo ka mid ahaa kuwii ay Xukuumaddiisu u balanqaaday Bulshada inay wax ka qabanayso xiligii Ololaha kaanbaynka ee kal hore, balse maanta ka baddan intii maalintaa ay balanqaaday, iyadoo ay dadka deegaanka Sanaag ku jiraan duruufo aad uga gedisan kuwa ay dareemayaan Bulshada Gobolada kale, kuwaas oo wax ka qabashadooda looga fadhiyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380