Ceer-gaabo(ANN) Bulshada ku dhaqan xarunta gobolka Sanaag ee Magaalada Ceergaabo ayaa ka wer-wersan xaalada guud ee amaanka gobolka iyo duruufaha maamul xumo ee ka jira halkaa, taas oo abuurtay wer-wer iyo dareen cabisyeed oo soo waajahay bulshada ku dhaqan gobolka.  Kadib

markii ay soo baxeen dhaq-dhaqaaqyo muuqaal ciidan urursi oo bulshada deegaanka kaga imanayay maalmihii u danbeeyay dhinaca maamulka Puntland, kuwaas oo la rumaysan yahay in aanay saraakiisha dhinaca maamulka xukuumadda Somaliland ee gobolku waxba kala socon.
Dadka u dhuun daloola hawlaha dhinaca abaabulka ciidanka ee ka socda meelo ka mid ah deegaanka Gobolka Sanaag ayaa u xaqiijiyay shebekada wararka ee Araweelonews inay  maamulka Puntland ka wadaan meelo ka tirsan deegaanka  ciidamo cusub oo laga qorayo halkaa, kuwaas oo lagu sheegay inay gaadhayaan  ilaa 2000, iyadoo  ay qoranayaan maamulka Puntland, isla markaana qayb ka ah ciidamada shirkada shisheeye u tababaray maamulka Puntland.
Ciidamada laga qorayo deegaanka meelo ka mid ayaa sida ay tibaaxaha iyo xoggaha  ay heshay shebekada Araweelonews  sheegayaan waxa loo qaybiyay dadka deegaanka Sanaag Bari iyo dhinaca Sool oo ah deegaamada ay maamulka Puntland ku murmaan, waxayna wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in Taliye  xigeenka Ciidamada Daraawiishta  ee Aaga galbeed u qaabilsan maaulka Puntland oo lagu magcaabo Aadan Diiriye uu ka mid yahay saraakiisha loo qaybiyay  inay deegaamada ka qoraan ciidan, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidamada Somaliland eek u sugan jiida Shinbiraale ku wargeliyeen inuu ka baxo deegaanka, maadaama uu ka tirsan yahay maamulka Puntland. Laakiin waxay wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan inuu Ninkaas oo u dhashay deegaanka Shinbiraale, isla mrkaana hore uga tirsanaan jiray ciidanka qaranka Somaliland, wixii ka horeeyay 1999,  xiligaa oo uu dhinaca Puntland u wareegay uu ku dooday inaanu ka tirsanayn maamulka Puntland oo iskaga tegey, isagoo saraakiisha ciidanka Somaliland ee digniinta siiyay u keenay Odayaal deegaanka ah oo sheegaya inaanu xil ka hayn puntland.
Hase yeeshee wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya inay Ciidanka Somaliland ee ku sugan  halkaasi ogaadeen inuu been sheegayay, kuwaas oo ku war helay inuu wado Ninkaasi ciidamo laga qorayo halkaa oo loo diro Boosaaso, iyadoo hawshaa si hoose looga wado meelo ka mid ah  deegaanka.
Marka laga yimaado ciidamada Somaliland ee ku sugan meelaha ku dhow deegaanka, waxa jira masuuliyiin dhinaca Somaliland u qaabilsan degmooyinka iyo gobolka, kuwaas oo xukuumada uga wakiil ah, tusaale ahaan Magaalada Badhan oo ahayd Degmo ka tirsan gobolka Sanaag, waxay ka mid  ahayd gobolo tiro badan oo ay xukuumaddii Madaxweyne Rayaale  u magcawday gobol, waxaana xukuumadda Somaliland ugu magcaaban Badhasaab C/xakiim Axmed Maxamuud (Wahaabi), iyadoo kabka iyo dhaqaalaha loo siiyo sida gobolada kale ee Somaliland, isla markaana xukuumadda Somaliland  ayaa Khamiistii todobaadkan u sii deysay Badhasaabka Badhan 67Mly S/sh (Lixdan iyo todoba Milyan) oo   lacagta Somaliland ah, taas oo loogu talo galay inay ku baxdo hawlaha dhinaca amniga ee gobolka iyo kharashka ay masuuliyiintu u baahdaan,  halka  maamulka gobolka Sanaag kharashka iyo kabka la siiyaa yahay 73Mly, balse kharashka ay xukuumadda Somaliland ku bixiso masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo deegaamada la xidhiidha ayaa u muuqda mid aan waxba lagaga qaban hawlihii loo baahnaa ee siyaasada iyo amaanka  xukuumadda eek u wajahan deegaamadaa.
“Gobolka waxa ka jira mushkilado badan oo dilal iyo arrimo is biirsaday oo aan maamulku waxba ka qaban, iyadoo ay mushkiladhaa hoose ka jiraan bulshada ku dhaqan gobolka ayaa waxa hadana muuqata xaalad siyaasadeed oo cabsideeda leh, waxaanuna ka wer-wersanahay siyaasadaha ka socda iyo sida aanay xukuumadda Somaliland ee sare uga warhayn waxa ka socda  halkan.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Odayaasha deegaanka gobolka Sanaag oo ku sugan Ceergaabo
“Dhibaatooyinka is biirsaday iyo tabashooyin dadka wada degan gobolka oo aan ilaa hada maamulku xalin ayaa muujinaya dayaca ka jira halkan, haday tahay dhinaca siyaasada iyo haday tahay dhinaca aminagaba, waxyaabaha ka socda halkan waxa noo dheer fara gelinta maamulka Puntland oo dadka deegaanka cabsi iyo wer wer ku abuuray, mana garanayno waxay xukuumaddu u samayn weyday wixii lagaga hor tegi lahaa waxa soo socda iyo maamulkii ka hortegi lahaa. Dadka gobolku ma hayaan is bedelkii dalka ka dhacay oo weli maamulkayagu waa sidii, xukuumaddana cidna kama aragno, marka laga reebo laba wasiir oo dhowaan yimi gobolka.” Sidaana waxa yidhi, mid ka mid ah dadka indhaha ku haya arrimaha  siyaasada iyo waxyaabaha ka socda deegaanka gobolka Sanaag.
“Saddexdii bilood ee u danbeeyay dadka deegaanka mawqifkoodii siyaasadeed wuu is bedelay, wixii ka danbeeyay dagaalkii Gal-gala, waxa dadka deegaanka kusoo xoogaysanaya siyaasad loogu jiidanayo dhinaca puntland, wayna jiraan ciidamada laga qorayo deegaamo ka tirsan halkan.” Sidaana waxa yidhi,  mid ka mid ah Odayaasha gobolka Sanaag oo ku sugan Ceergaabo.
Xaaladaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaa ayaa kusoo beegmay xili ay jiraan duruufo dhaqaale oo dhinaca nolosha Bulshada ah, iyadoo ay dadka  gobolku tilmaamayaan in aanay wax badan ka ogayn xukuumadda Somaliland duruufaha siyaasadeed, kuwa amni iyo dhaqaaale, ama nololeed ee ka jira halkaa.  Marka laysku soo ururiyo waxa muuqata inay halkaa ka jiraan xaalado iyo duruufo muujinaya  dayac dhinaca maamulka ah, kuwaas oo fursad siinaya siyaasadaha iyo abaabulka dhinaca maamulka Puntland ee kusoo faafaya deegamadaa, taas oo bulshada gobolka ku abuurtay xaalad wer wer leh, isla markaana muujisay debecsanaan siyaasadeed iyo dayac  dhinaca xukuumadda Somaliland ah oo baylah ka dhigay deegaanka iyo bulshada gobolka Sanaag, iyadoo aany ilaa hada muuqan astaamo muujinaya inay masuuliyiinta sare ee xukuumadda  Somaliland ka warhayaan waxa ka socda deegaanka Sanaag.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *