Laasqoray(ANN) Kooxo hubaysan ayaa ka fuliyay duleedka deegaanka Laasqoray  ee gobolka Sanaag falal isugu jira dilal  iyo dhac ay ugu gaysteen qaar ka mid ah shaqaalaha xawaaladda Qaran iyo Hay’adda Horn Relief. Sidaana waxa u xaqiijiyay

shebekadda  Araweelonews warar laga helay dadka deegaanka.
Kooxahan hubaysan ayaa la sheegay in ay dil u gaysteen 1-ruux sidoo kale ay dhaawac u gaysteen 2-kale, qofka dhintay iyo labada dhaawacmay  ayaa ka kala tirsanaa shaqaalaha Horn Relief iyo xawaaladda Qaran Expreess. Iyagoo xawaaladda ka qaatay lacag lagu qiyaasay    $30,000,  taas oo uu maamulka Degmada Laasqoray ku sheegay mid loogu talagalay taageeridda dad dhibaataysan oo ku nool Deegaanka Saliid  ee duleedka Laasqoray oo  qiyaastii 30-km u jira Magaalada xeebta ah ee Laasqoray.
Guddoomiyaha Degmada Laasqoray Yuusuf Jaamac Debed ayaa sheegay in la garanayo dadkii falalkaa sameeyay, wuxuuna faah faahin ka bixiyey dilka iyo dhaca ka dhacay Deegaanka Afka Saliid, isagoo  sheegay in kooxdaasi  dhacday  lacag loogu taagalay in lagu taageero dad dhibaataysan, sidoo kale wuxuu tibaaxay in kooxaha dilka gaystay ay ka baxsadeen goobta uu dilku ka dhacay markii ay falalkaa  dilalka iyo dhaca  fuliyeen kadib.
Laakiin Guddoomiyahu wuxuu  sheegay in beelaha ay kasoo jeedaan kooxaha dilalka,  dhaawaca iyo dhaca gaystay ay ku mashquulsan yihiin sidii loo xalin lahaa arrintan ka dhacday Deegaanka Afka Saliid ee Degmada Laasqoray.
Wuxuuna tilmaamay inay arrintaasi  saamayn ku yeelatay Degmada Laasqoray iyo Deegaanada hoosyimaada,  isla markaana ay khal -khal galisay  amniga Deegaanka uu falku ka dhacay, sidoo kale wuxuu xusay in dadkii dhibaataysnaa ee loogu talagalay lacagta gar gaarka ahayd ay halkoodii ku dhibaataysan yihiin, kuwaas oo u baahan gurmad.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *