Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti  uu Hoggaaminayay  oo weli ku sugan  dalka Ingiriiska ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Britain u qaabilsan Iskaashiga iyo Mucaawimada debadda  Mr. Andrew Mitchel. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay

 Madaxtooyada Somaliland,  Madaxweyne Siilaanyo waxa uu kala hadlay wasiirka iskaashiga iyo mucaawimada debeda ee Britain, sidii dhinacyada dhinacyada adeegyada aasaasiga ah iyo dhismaha dumuqraadiyada looga caawin lahaa Somaliland.    Warsaxaafadeedka kasoo baxay maanta qasriga madaxtooyada Somaliland  ee  Hargeysa ee lagu sheegay kulanka wefdiga Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka Iskaashiga iyo caawimada debeda ee Britain, oo uu ku saxeexnaa  Afhayeenka Madaxtooyada  Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa u qornaa sidan:-
“Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo wali ay u socoto booqashadii ay ku joogeen dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada debedda ee Ingiriiska Mr. Andrew Mitchel.
 Kulankaa oo ay Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi X Cali. Waxa uu Mr. Andrew Mitchel ugu horeyntiiba ku hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo doorashada loo doortay kursiga madaxtinimada Somaliland, isagoo shacbiga reer Somaliland ku bogaadiyay sida nabadgalyada leh ee doorashadaasi ku dhacday. Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md Mitchel waxa uu intaasi ku daray in dowladda Ingiriisku kor u qaadi doonto taageerada ay siiso Somaliland shanta sanno ee soo socda. Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay si mug leh oo balaadhan uga warbixiyeen qorshayaasha lagu horumarinayo dalka iyo dedaalka xukuumada Somaliland ugu jirto kor u qaadida hawl-galada ka socda dalka ee ku wajahan horumarka iyo dhismaha dalka. Waxaanay halkaasi ku soo bandhigeen oo sharaxaad ka bixiyeen weftigu qorshayaasha xukuumada ee dhinacyada waxbarashada , Caafimaadka, Biyaha iyo horumarinta kaabiyashaa dhaqaalaha,  sida dhismayaasha dekaddaha, Garoomadda, waddooyinka,  Leydhka iyo isgaadhsiinta.
Madaxweyne  Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada debedda ee Ingiriiska Mr. Andrew Mitchel,  waxa kale oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal ka dhexeysa (Somaliland iyo Ingiriiska), gaar ahaana waxay si aada uga wada xaajoodeen xagga nabadgalyada, fidinta dimuqraadiyada iyo adeegyada bulshada ee ay dowladda Ingiriisku gacanta ka geysato. Kullankan labada dhinac dhexmaray waxa uu ku dhamaaday jawi guul iyo is afgarad ah, waxaanay madaxweynaha iyo weftigiisuna uga mahadceliyeen dowladda Ingiriisku sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda iyo kaalmada joogtada ah ee ay u fidiyaan Jamhuuriyada Somaliland.” ayaa lagu yidhi geba-gebada qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.  Balse qoraalka laguma xusin halka uu ka dhacay kulanku iyo xiliguu dhacay
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *