wadadabaligubadle2Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa maanta deeq lacageed oo dhan $100,000 dollar ku wareejiyey

 

Gudoomiyaha Dhismaha Wadada Baligubadle Ilaa Hargeysa.
Wafti balaadhan oo ay hogaaminaayeen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha bulshada, Maareeyaha Wadooyinka, Xildhibaan Nacnac iyo Xildhibaan Kijaandhe, Gudidada Wadada Baligubadle ilaa Hargeysa.

Munaasibad Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi ku wareejiyay deeqdaa lacagta oo dhan $100,000 Dollar Gudoomiyaha Dhismaha wadada Baligubadle ilaa Hargeysa, wuxuu Wasiir Xirsi ka sheegay munaasibadaa  in himiladoodu tahay in ay mar walba ka dhabeeyaan dhismaha iyo taabogelinta Wadooyinkii uu madaxweynuhu dhagaxa dhigay.

Gudoomiyaha Gobolka Baligubadle ayaa bulshada ku baraarujiyey in ay u sii baneeyaan wadada ku soo foolka leh, isagoo ka waramay faa’idada ay wadadu leedahay, wuxuuna ugu baaqay Bulshada qurbajooga gobolka iyo dadka deegaanka in ay qaybtooda ka qaataan, wadada dhismaheeda oo uu sheegay in ay tahay mid Qiimo aan la qiyaasi Karin ugu fadhida Deegaanka iyo Gobolkaba.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *