Hargeysa(Araweelo News Network) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa fadhi deg-deg ah ka yeelatay Golaha ay dhowaan ku dhawaaqeen koox siyaasiyiin

Somaliland ah oo dalka Magac ku leh.

Golaha Wasiirrada Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne ayaa  maanta arrintaa ka yeeshay Fadhi deg-deg ah, kaas oo uu shir-gudoominayay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa ahaa mid aan warbaahinta loo ogolayn oo albaabada loo xidhay, balse sida  uu  shaaca ka qaaday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo kulankaa ka dib la hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay in kulankaa lagu go’aamiyay inaan la aqbali doonin wax urur ama gole ah oo ka baxsan kuwa dastuuriga ah ee dalka sifaha sharciga ah uga jira.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyadda ayaa sheegay in fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada si weyn loogu faaqiday,  isla markaana la isku waafaqay in aan la ogolaan doonin cid sheegata urur ama gole siyaasadeed oo aan ka ahayn kuwa dastuuriga ah ee dalka ka jira.

 

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa uu xusay in golaha Wasiiraddu  ay isku waafaqeen inay ayidsan yihiin oo qudha Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) iyo sadexda xisbi qaran ee ku soo baxay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dabo-yaaqadii kal-hore ka dhacday dalka.

 

Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo rayul caamka bulshadu si weyn ugu foogan yahay dood ka dhalatay sharciyadda Gole la magac-baxay “Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka” oo ay laba todobaad ka hor caasimadda Hargeysa kaga dhawaaqeen siyaasiyiin mucaarid ah oo iskugu jira Hoggaankii ururadii dhacay iyo siyaasiyiin xilal sar-sare ka hayay xukuumadda oo xilkii laga qaaday.

Dhinaca kale ma sheegin Afhayeenka Madaxtooyaddu tallaabada ay xukuumaddu qaadayso eek u go’aansatay shirka golaha wasiiradda, balse waxa jira tibaaxo sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo shirkaa ku go’aansatay in xabsiga Mandheera loo diro Siyaasiyiinta ku dhawaaqay golahaa, kuwaas oo xukuumaddu si weyn uga qaylisay dhawaaqooda golaha la baxay Toosinta ee ay ku dhawaaqeen dhowaan. Waxyana Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo maalmihii u danbeeyay weeraro dhinaca warbaahinta ah oo lagu abuubulayay Odayaal iyo kooxo dadweynaha ka mid ah, kuwaas oo dhaleecayn u marinayay kooxda siyaasiyiinta ku dhawaaqay golahaa.

info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *