Hargeysa(Araweelo News Network) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa xabsiga u taxaabay gudoomiyaha Wargesyka hore loo xayiray ee
Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafaftiraha Wargeyska Axmed Cali Cigg.kadib markii Ciidamada Boolisku ka qabteen saaka Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ay ka bilaabantay dhegeysiga dacwada loo haysto Wargeyska.
Garsooraha Maxkamadda ayaa amar ku bixyay in masuuliyiinta Haatuf loo diro todoba maalmood oo rumaan ah, waxayna markaa ka dib Boolisku u kaxeeyeen dhinaca xabsiga Hargeysa.
Dhegeysiga Dacwada waxa ka qaybgalay Wasiiradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Macdanta Eng. Xuseen Cabdi ducaale, kuwaas oo kiiska dacwada ka ahaa dhibanayaal.
Qaar ka mid ah dadka dhegeysanayay dacwada ayaa sheegay in buuq ka bilaabmay hoolka lagu qaadayay dacwada ka hor intii aanu garsooruhu amar ku bixin in masuuliyiinta Wargeyska Haatuf loo diro xabsi rumaan ah.