madaxweyne silanyo iyo raysal wasaaraha EthiopiaAddis Ababa(Araweelo News Network)Xukuumadda Dalka Ethiopia ayaa ka hadashay kulan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayaa

 

kula yeesheen Addis Ababa Raysal wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn. ka hor intii aanay usii gudbin dhinaca dalka Britain.

Sarkaalka u qaabilsan Wasaaradda Khaarajiga Ethiopia Arrimaha Afrika Mr. Solomon Abebe oo warbaahinta dalkooda uga warramay shalay kulanka labada hogaamiye ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa ku tilmaamay kulankaa mid heer sare ah oo laysku afgartay arrimaha lagaga wada hadlay ee labada dal Somaliland iyo Ethiopia.

Mr. Solomon waxa uu warbaahinta dalka Ethiopia u sheegay  in labada hoggaamiye ka wada xaajoodeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidha dhinacyada badan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Ethiopia, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay dhinacyada ammaanka, ganacsiga, maalgashiga, waxbarashadda iyo dhaqanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa u sheegay dhiniciisa warbaahinta dalka Ethiopia in ay  Ra’iisal-wasaare Hailemariam Desalegn kulankooda isku afgarteen waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Sidoo kale qoraal kooban oo wasaaradda arrimaha debeda Somaliland kasoo baxay kualnka labada hogaamiye ka dib ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Ra’iisal-wasaare Hailemariam Desalegn ay si xooggan uga wadahadleen sidii dib loogu furi lahaa xadka labada dal u dhexeeya, isagoo Ra’iisal-wasaaruhu oggolaaday in dib loo furo xuduudka xidhan ee dhinaca dhulka.

“Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, waxay ka wadahadleen arrimo khuseeya ammaanka, ganacsiga iyo sidoo kale wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo inta badan kulanka labada masuul dhexmaray lagu soo qaaday xidhitaanka xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaannu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya u xaqiijiyey Madaxweynaha inuu bixiyey amar iyo tilmaamo khuseeya sidii si dedgeg ah dib loogu furi lahaa xadka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland Mr. Siciid Cali Muuse.

Waxa kale oo qoraal rsaxaafadeedka lagu sheegay, in Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn kulankaa isla soo qaadeen rabitaanka dawlada Ethiopia ee dekeda istiraatiijiga ah ee Berbera, isla markaana ay   isla oggolaadeen in la sii wado wadaxaajoodka khuseeya horumarinta dekedda Berbera iyo wada hadaladii uga socday labada dhinac arrintaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *