Djibouti(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa xabsiga u taxaabtay Sadex wadaad oo ka mid ah Culimada Djibouti, kuwaas oo ka mid ah mucaaradka diiday inay aqbalaan natiijada doorashada Baarlamaanka ee

 

todobaadkii hore ka dhacday dalkaa.

Sidoo waxay la xidhay dad kale oo ka mid ah taageerayaasha Isbahaysiga Mucaardka USN, iyadoo hogaamiyihii isbahaysiga Daahir Axmed Faarax (Daaf) gurigiisa lagu xabsisay, isla markaana loo diiday inuu sameeyo wax dhaqdhaqaaq ah. sida ay shebekadda wararka ee araweelonews u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan Djibouti.

Culimada ay dawlada Djibouti xabsiga u taxaabtay  waxa ka mid ah Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir,  Sheekh Cabdiraxmaan Barkhad Good iyo wadaad kale oo ka mid ah mucaaradka ka qayb galay doorashada ee diiday inay aqbalaan natiijada, isla markaana laba maalmood ka hor sameeyay isu soo bax la doonayay in lagu muujiyo sida ay u qaadaceen natiijada doorashada, balse ay ciidamada Boolisku kala dareeriyeen taageerayaasha mucaaradka.

Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Djibouti  Xasan Dharaar Hufane, isla markaana ahaa gudoomiyaha doorashada ee ku dhawaaqay natiijada, ayaa Idaacada BBC u sheegay in dadka la xidh xidhay ee mucaaradku yihiin kuwo doonaya inay dalka qas ka sameeyeen, taas oo uu sheegay in aanay Djibouti oo ah dal yar u dulqaadan karin, wuxuuna xusay in sadexdaa wadaaad ee la xidhay iyo dadka kaleba si fiican lo hayo oo aan wax dhibaato iyo dil ah loo geysanayan sida ay dadka qaar sheegayaan, isla markaana ay xaaladoodu fiican tahay. 

Madaxweyne Geele ayaa mudadii Ololuhu socday mucaaradka ku tilmaamay kuwo qas wadayaal ah oo doonaya inay bur buriyaan xasiloonoda dalka, isagoo sheegay inay Dalka Ereteria ee ay jaarka yihiin qaarkood soo abaabushay si meesha looga saaro xukunkiisa. sidoo kale wuxuu xusay inay jiraan wadaado ku dhex dhuumanaya doorashada oo isu ekaysiinaya culimada Djibouti,, balse doonaya inay siyaasada dalka soo galaan. laakiin mucaaradka ayaa dhamaan eedahaa ka dhigay kuwo waxba kama jiraan ah.

Doorashada Baarlamaanka Djibouti ayaa noqonay tii ugu horaysay ee mucaardku si toos ah u galaan, iyadoo doorashadooyinkii hore oo habka kooshinka lagu maamuli jiray xisbiga aqlabiyada helaa qaadan jiray kuraasta oo dhan, taas oo sababtay inay mucaaradku qaadacaan doorashadii 2008 ee Baarlamaanka, sidoo kalena 2011 diideen inay doorashada Madaxtooyada ka qayb qaataan, taas oo Madaxweyne Geele u suurta gelisay in keligii tartamo kadibna ku guulaysto, isagoo mudada xilka Madaxweynaha ka dhigtay 10 sanadood.

Natiijadda doorashada Baarlamaanka Djibouti oo xisbiga Madaxweyne Geele ku guulaystay, balse ay diideen natiijadeeda mucaardku waxa  soo baxaya cabsi laga qabo inay natiijada ay qaadaceen mucaaradku horseed u noqoto qalalaase ka abuurma Djibouti oo ah dal yar oo xasiloon oo nidaamka geedi socodka dumuqraadiyadu ku cusub yahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *