Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somalialnd Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa u gudbiyay golaha wakiiladda Somaliland xubinta Komishanka Doorashooyinka ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, taas oo muran ka taagnaa

maalmahan. Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo ku gacansaydhay xubin hore uu ugu gudbiyay Guddoomiyaha WADDANI.
Qoraal kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda oo lagu shaaciyay xubinta cusub ee WADDANI oo Madaxweyne Siilanyo u gudbiyay Golaha ayaa qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2818/102014           ,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubintii todobaad ee Xisbiga Waddani soo bedelay.

Ku:      Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL

Ujeedo: Soo Gudbin Xubintii Ka Dhinnayd Guddida Cusub ee Doorashooyinka Qaranka
Mudanayaal, Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan halkan magaciisa iyo CV-giisa idiinku soo gudbinayaa Mudane, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal) oo ah Xubinta Xisbiga WADDANI u soo xulay Guddida Doorashooyinka Qaranka si aad uga gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah.” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha gaar ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyadda Somaliland Naasir Yuusuf Daahir (Naasir Naska)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *