OdayaashahawiyeHargeysa(Araweelo News Network)Qayb ka mid ah Odayaasha kasoo kicitimay dhowaan magaalada Muqdisho ee Somalia, ayaa si lama filaan ah maanta dib ugu laabtay Magaalada muqdisho. Kadib markii lasoo

gebagebeeyay booqasho ay ku tageen shalay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay sababta Odayaasha ka yimi Somalia oo mudo dhawr maalmood ah ugu kala qaybsameen socdaalkooda, kuwaas oo aan marka horeba si dhab ah loo ogayn ujeedada socdaalkooda, balse doodo iyo su’aalo badani ka dhasheen waxa uu daaranyahay socdaalkooda Somaliland.
Hase yeeshee warar la xidhidha Odayaasha oo laga helay dadka ku dhow dhow ayaa sheegay in sababta ay usoo gebagebeeyeen booqashadooda oo la filayay in ay ku maraan gobolada dalka Somaliland oo dhan ay la xidhiidho arrimo siyaasadeed oo iyaga laftooda khilaaf soo kala dhexgeliyay kadob markii ay isku aragti ka noqonwaayeen.
Ilaa 25 ka mid ah Odayaasha Muqdisho oo tiradoodu ahayd 45 xubnood ayaa maanta si lama filaan ah ugu dhoogay dhinaca Magaalada Muqdisho ee ay ka yimaadeen, waxayna warar la xidhiidha sheegayaan in qaybta hadhay ay maalamaha soo socda ku laaban doonaan Muqdisho ka hor inta aan la gaadhin dabaaldega sanadguurada 23aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay qaranimadeeda18 May 1991, taas oo ku beegan maalinta Axada ee todobaadka danbe.

Waxayna wararka la xidhiidha Odayaasha sheegayaan in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday in ay deg deg usoo gaadhaan si ay uga badbaadiyaan qorshaha la doonayo in mudanayaashu kaga xayuubiyaan xilka, isla markaana uga difaacaaan duufaanka siyaasadeed ee kacsan xukuumadda aan awooda badan lahayn ee ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM.
Sidoo kale waxa jira warar kale oo sheegaya in aanay deg deg u laabashada Odayaasha ka madhnayn dareen shaki leh oo ka dhashay ujeedada safarkooda xiligan ee Somaliland, kaas oo aany marnaba qeexin waxa uu xanbaarsanyahay, isla markaana siyaasiyiinta mucaaradka Somaliland si weyn u naqdiyeen, iyagoo ku sifeeyay qorshe shirqool siyaasadeed oo ay soo abaabuleen wadamo shisheeye, isla markaana la doonayo in sawir khaldan oo midnomo ah laga bixiyo qadiyada Somaliland.
Hase yeeshee socdaalka Odayaasha oo kusoo beegmay xili si weyn looga dareemayo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland diyaargarawga xuska maalinta qiimaha badan ee qaranimada Somaliland, taas oo la yaab ku noqotay Odayaasha sida loogu diyaargaroobayo iyo xamaasada ay xanbaarsantahay, sidaa awgeed ay soo baxeen warar aanay jeclaysan oo sheegaya in haddii ay Somaliland kala qaybqaataan xuska madaxbanaanideedu ay u muuqanayso in ay aqoonsanyihiin qadiyadeeda. Sidaa darteed ay soo gebagebeeyaan safarkooda ka hor inta aan la gaadhin 18 May.

Odayaasha iyo waxgaradka Muqdisho oo mudadii ay ku sugnaayeen Somaliland kulamo la yeeshay Salaadiinta Somaliland, Axsaabta Mucaaradka iyo qayabaha Ururada Bulshada, waxa kulamadaa oo aha kuwo casuumado ah laysku dhaafsanayay weedho garnaqsi ah oo dhexmarayay Odayaasha Muqdisho iyo Bulshada Somaliland qaybaha ay lla kulmeen, waxaana mar walba taagnayd su’aalo aanay jawaabtooda bixin oo la xidhiidhay ujeedada dhabta ah ee safarkooda iyo cidda soo abaabushay, balse xoggo laga helay qaybo ka mid ah ayaa fashiliyay in ujeedada socdaalkoodu aanay ka madhnayn siyaasad, balse loo magac bixiyay isbarasho iyo is dhexgal, waxayna xoggaha dhinacooda kasoo baxay iyo kuwo dublamaasiyadeed oo laga helay meelo kale xaqiijiyeen in ay booqashadooda ka danbaysay Dawlada Turkiga iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo dhaqaale badan ku bixiyay qorshahaa, iyagoo doonaya in shacbiga Somaliland laga dhaadhiciyo qadiyada u qarsoonayd ee midnimo soomaaliyeed oo mar kale ay mustaqbalka ku kulmaan Somaliland iyo Somalia, balse xaqiiqooyinka ay kala kulmeen Odayaasha Muqdisho salaadiinta Somaliland iyo bulshadii kale ee ay la kulmeen waxay noqotay mid muraaradilaac ku ah ujeedada socdaalkooda iyo qorshihii ay wateen, taas oo sababtay in ay deg deg ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *