SONY DSC
London(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdi oo uu hogaaminayo oo ka degay Cariga Dalka Britain, ayaa si weyn

loogu soo dhoweeyay halkaa. kadib markii ay shalay ka anababaxeen caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyagoo usii jeeda magaalada London si ay uga qaybgalaan shir lagaga hadlayo arrimaha maalgashiga ee lagu qabanayo cariga Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo  oo saaka subaxii ka degay garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport, waxaana halkaa kusoo dhaweeyey masuuliyiin iyo dadweyne ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada London, kuwaas oo ku qaabilay farxad iyo ubaxyo kala duwan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inay shirkaasi oo 14-ka bishan ka furmaya Magaalada London ay ku soo bandhigi doonaan waxyaabaha Somaliland ka hirgeli kara, isla markaana la malagashan karo, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Shirkaasi oo lagaga hadlayo maalgashiga Somaliland waxaan rejaynayaa in wax weyn oo midho-dhal ah u noqdo dadka iyo dalka Somaliland ka soo baxaan, waxaanan aad ugu faraxsanahay inaanu ka qayb-galo shirkaasi. Markaa shirkaasi dawladda Ingiriiska iyo cidda maamulaysaba waxaanu ugu soo bandhigi doonaa waxyaabaha Somaliland ka suurtogal ah iyo baahiyaha dalka iyo maalgashiga midho dhal u noqon kara, waanuna ka dhaadhicin doonaa, haddii Alle yidhaahdo, waxaanuna rejaynaynaa in dhulkeena la maalgeliyo oo dhaqaalaheena horumariyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa ka hor intii aannu dalka ka dhoofin Jimcihii.

Halkan Ka Daawo Soo Dhowaynta Madaxweynaha Somaliland ee London iyo wasiirka Arrimaha Debeda oo ka hadlay ujeedada socdaalka Riix Halkan

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *