Hargeysa(ANN)Koox xildhibaano ah oo ka tirsan dawladda taagata daran ee Somalia, isla markaana xubno ka ah Kooxda Diimaadeed ee lagu magcaabo Aall- Sheekh oo si qarsoodi ah u haysata awooda Madaxtooyada Somalia ee Sheekh Shariif ayaa Arbacadii kasoo degey Madaarka Caalamiga ah
Cigaal International Airport, kuwaas oo isgu jira xildhibaano kasoo jeeda Somaliland, isla markaana ka mid ahaa shaqsiyaad u dhashay Somalialnd oo aaminsanaa mabda’a Soomaaliweyn iyo kuwo u dhashay Somalia oo dhamaantood ka tirsan Baarlamaanka Somalia.
Kooxdaa oo aan si cad loo ogayn ujeedada socdaalkooda, waxa booqashadooda ka dhashay sheekooyin iyo warar is khilaafsan, isla markaana xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaan ka hadlin ujeedada socdaalka kooxdaa. Inkasta oo ay jiraan warar shebekada wararka Araweelonews hore u baahisay oo sheegayay in Afartaa Nin mid ka mid ah oo lagu magcaabo Muxiyadiin Aw Cali oo u dhashay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, kana tirsanaa Baarlamaanka Somalia ee DKMG, uu ku yimi cafis dalka. kadib markii uu ka laabtay mabda’ii federaalka ee Soomaali weyn.
Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inuu qayb ka yahay qorshaha qarsoon ee ay kooxda uu la socday u yimaadeen Hargeysa. Sidoo kale waxa kooxdaa ka mid ah Xildhibaan Bare Cismaan oo u dhashay Somaliland, gaar ahaan deegaanka galbeedka Hargeysa, isla markaana ka mid ahaa kooxda u dhalatay Somaliland ee hore u qaatay mabda’a Somaali weynta iyo Federaalka.
Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha kooxdaa labada Nin ee kala ah Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Xildhibaan Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah Kooxda Aal sheekh ayaa wata qorshe siyaasadeed oo qarsoon, kaas oo wararka qaar la xidhiidhinayaan inay wataan qorshe hoose oo ay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo kala xaajoonayaan arrimo la xidhiidha wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee la filayo inay qabsoomaan dhowaan, kuwaas uu dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u saaray gudi ka tirsan golihiisa wasiirada.
Laakiin warar kale iyo tibaaxo si qarsoodi ah usoo baxay oo lala xidhiidhiyay socdaalka kooxdaa xildhibaanad ah, ayaa sheegaya inay u yimaadeen arrimo la xidhiidha qaar ka mid ah Ururada siyaasada ee dhowaan lagaga dhawaaqay Somaliland oo ay xulufo yihiin, balse waxa jira tibaaxo kuwaa ka duwan oo sheegaya inay kooxdaa oo ka tirsan Urur ay ku mideen qaar ka mid ah firqooyinka Diimeed ee Somalia ka jira oo horaantii sanadkan 2012, lagaga dhawaaqay Muqdisho ay kulamo la yeelayaan inta ay joogaan Somaliland masuuliyiin ay wadaagaan dano iyo ahdaaf siyaasadeed oo ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan, kuwaas oo ay durba sida ay xoggahaasi sheeagayaan ay dhexmareen kulmo qarsoon oo meelo aan la cayimin lagu qabtay, isla markaana aan si cad loo ogayn waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen.
Labada xildhibaan ee ka tirsan Aal Sheeekh oo si qarsoodi ah u maamusha Madaxtooyada Somalia, isla markaana waqtigan qorshaynaya inay si cad gacanta ku dhigaan awooda Somalia, waxay kala yihiin Xildhibaan Yuusuf Cali Caynte oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, isla markaana ah Aqoonyahan ku xeel dheer dhinaca Diinta Islaamka iyo Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo ahaa Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaashaandhiga dawladii Raysal wasaare Farmaajo iyo Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon.
Sidoo kalena Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, ayaa koox uu ka mid yahay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen 14 February 2012, Urur siyaasadeed, ama xisbi ay ku midobeen Xubno ka kala socda dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Aalla Sheekh, Ictisaam iyo Al-Islaax. Kuwaas oo kulankooda ka dib sheegay inay samaysteen Gole Siyaasadeed oo midaynaya dhamaan Firqooyinkaa,ama Xarakooyinkaa Islaamiga ah laguna magacaabo Golaha Daljir.
Warar kale ayaa sheegaya in Xildhibaan Abtidoon iyo Caynte looga yeedhay galabta laanta baadhista denbiyada ee CID Somaliland si wax looga weydiiyo socdaalkooda, balse sida ay sheegayaan tibaaxahaasi, waxa damiin ku kaxaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo la rumaysan yahay inuu ka mid yahay masuuliyiinta ay la kulmeen xildhibaanadaasi.
Labada Xildhibaan Bare Cismaan iyo Xildhibaan Muxiyadiin Aw Cali oo u dhashay Somaliland, balse ka mid ahaa shaqsiyaadka kasoo jeeda Somaliland ee ka qaybqaatay shirarka Soomaaliweyn ee lagu dhisay dawladihii debedyaalka ahaa, waqtigana ka tirsanaa Baarlamaanka dawladda taagta daran ee Sh. Shariif, ayaan la ogayn inay kooxahaa Diimeed ee ku midoobay Golaha Daljir ku jiraan iyo in kale, waxaana socdaalkooda iyo dhaqdhaqaaqoodu dhaliyeen dareeno siyaasadeed oo shaki xanbaarsan, isla markaana xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin booqashadooda.
Si kastaba ha ahaatee socdaalka kooxdan ayaan si cad loo ogayn inuu yahay mid la xidhiidha kooxaha firqooyinka diimeed ee ay ku abtirsadaan iyo inuu yahay mid qayb ka ah wadahadalada Somalia oo ay sidaan fariin ka timi dhinaca Madaxweynaha dawladda taagata daran ee Somalia, balse waxa hada muuqata in booqashadooda Hargeysa ay tahay mid su’aalo badani ka taagan yihiin, kuwaas jawaabahooda looga fadhiyo xukuumadda Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com