Rayte1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Xidlhibaan Ibraahin Jaamac  Cali- Dheere (Rayte), ayaa adag u daadafeeyay,  isla markaana sharci-darro ku tilmaamay

 

abuuritaanka ciidanka cusub ee toddobaadkan Madaxweyne Siilanayo ku aasaasay Digreetada, kaasoo ah Ciidanka ilaalada Sahaminta Shirkadaha Shidaalka, kuwaas oo  Madaxweynuhu sheegay inuu noqonayo Waax ka tirsan Booliska.

 

Xildhibaan Rayte waxa uu ka digay in samaynta Ciidankani sahli karto, in Shirkadaha Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka u jooga Somaliland oo lacag badan haystaa keensadaan dalka Calooshooda-u-shaqaystayaal hubaysan, waxaanu ku dooday inaanay Sharciyada caalamiga ahi oggoleyn in Shirkado gaar ah loo sameeyo Ciidammo iyaga u gaar ah magaca ay doonaan ha sitaane.

 

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ah Guddoomiyaha Guddiga arrimaha, ayaa sheegay in halis nabadgelya-darro ka dhalan karto aasaaska Ciidanka Ilaalinta Sahaminta iyo soo saarista Shidaalka(Oil Protection Unit), kaasoo Madaxweynuhu toddobaadkan Wareegto ku aasaasay, wuxu ku tilmaamay Ciidan Sharci-darro ah, maaddaama oo aanay jirin haba-yaraatee wax Baarlamaanka laga weydiiyey iyo cid soo marisay toona.

 

“Ciidammaada OPU-ga, ee la sheegayo inuu Madaxweynuhu aasaasay, marka hore waa Ciidamo Sharci daro ah, waxa alaale waxa aasaas ah oo sharciya oo ay leeyihiin ma jirto. Marka xiga Guddidayda arrimaha guddaha iyo amniga waxa talo ah oo lagana weydiiyey ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Jaamac (Rayte) oo isaga iyo Mudane kale Khamiistii maanta shir Jaraa’id ku wada qabteen Caasimadda Hargeysa.

 

Waxaanu Xildhibaan Rayte intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Wax aannu kala soconno iyo wax aannu ka ognahay ma jirto, wax allaale wax guud ahaan Barlamaanka laga weydiiyay ma jirto, oo Xukuumaddu uga baahatay ma jirto, waxaana waajib ah in marka la qaadayo talaabooyinka noocaasa in Xukuumaddu Barlamaanka ogolaansho ka hesho, haddii aanu Barlamaanku ogolaana Siyaasada Xukuumaddu maaha mid Siyaasad sharciya.”

 

“Ciidammada ilaalinaya Shirkadaha Shidaalku, waa Ciidamo ay iska leeyihiin Shirkadaha Batroolku, maxa yeelay Lacagta Shirkadaha Batroolka ayaa bixinaya, 25-million oo Dollar ayey bixiyeen,waxayna ugu talageen Ciidamada tababarkooda iyo qoristooda, oo xitaa Musharkooda iyaga ayaa bixin doona, amarkoodana waxa yeelan doona Shirkadaha, dalkana waa ka mamnuuc Ciidan hubaysan oo ka shaqeeya oo aan Ciidamada Qaranka ahayn, oo aan sidoo kale hoos iman Sharciga dalka iyo Dastuurka dalka iyo Barlamaanka dalka.” Sidaa ayuu yidhi Rayte.

 

Waxaanu Xildhibaan Rayte ka digay inay Ciidankani horseedi karo in Calooshooda-u-shaqaystayaal yimaaddaan dalka, waxaanu yidhi; “Waxa iman doona Ciidamada loo yaqaano Calooshooda u shaqaystayaal, oo dibada laga soo kiraysto, oo Ciidamada la sheegayo xukumi doona, haysan doona, hawl geli doona, amri doona, taabari doonana, wey ka dhacday Puntland waxa ay ku dambaysayna waa la ogaa, Caalamkuna ma ogala, maxaa-yeelay? Waa arrin lid ku ah Sharciga Caalamku in Shirkadahaas Lacagta faraha badan haystaa in intay Ciidammo sameeystaan dalalka qabsadaan, oo bari hore ayey dhulka qabsan lahaayeen.” ayuu yidhi Reyte.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *