Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay gacan bir ah ku qabato shaqsiyaad ay sheegeen inay yihiin qurba-jooga Awdal oo fadqalalo ka wada deegaanka Boorame, isla markaana waxay  si kulul u naqdiyeen  dhaqdhaqaaqyo Somaliland diid ah oo ay

 

wadaan shakhsiyaadka ay ku sheegeen  qurbo jooga kasoo jeeda gobolka Awdal. Sidaa awgeed ayay yidhaahdeen, waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa  inay tallaabo adag ka qaado cidii falal qaranimada wax u dhimaya sameysa, ama ku hawlan.
Sidaana waxa ka dhawaajiyay Afhayeenka xisbiga mucaaridka  UCID Mr. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)  oo maanta shir jar’aaid  ku qabtay xarunta xisbigaa ee magaalada Hargeysa, isagoo  sheegay in shacbiga gobolka Awdal ay yihiin Somaliland oo  mowqifkooda aanay bedeli karin shakhsiyaad qurbo joog ahi.
” Dadkan maalmahan wax sheeg sheegaya malaa maabkii ayaa ka khaldamay oo waxay moodayaan in Awdal ay ku taallo Soomaaliya, waxaan u sheegaynaa in reeer Awdal ay yihiin Somaliland. Waxaan u soo jeedinayaa shakhsiyaadka arrintaasi wadaa inay joojiyaan oo ay iska daayaan faro gelinta aan u meel marayn ee ay ku hayaan Somaliland,”ayuu yidhi Xasan Xuseen Codyare
Afhayeenka Xisbiga UCID waxa uu ku eedeeyay inay dhalinyarada qurbo jooga ah ee Awdal ay marin habaabinayaan laba nin oo walaalo ah oo ka soo horjeeda madax banaanida Somaliland kuwaasi kala ah Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Axmed Ismaaciil Samatar.
“Waxaan u soo jeedinayaa labada nin ee walaalaha ah ee Cabdi Ismaaciil iyo Axmed Ismaaciil Samatar inay joojiyaan marin habaabinta dhalinyarada, waxaan leeyahay dalkiina soo waydiista cafis, labadan nin waxaan leeyahay joojiya farogelinta qaawan ee aad ku haysaan dalkiina. haddii aad Soomaaliya jeceshihiin iskaga shaqo taga,”ayuu yidhi Afhayeenku.
Afhayeenka waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay sharciga hor keento cidii wada abaabul ka dhan ah qaranimada Somaliland ee ku adeegsanaysa magaca gobilka Awdal.
Mr. Xasan Xuseen waxa uu sheegay in dadweynaha reer Awdal ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen dib u dhiskii iyo nabadeyntii Somaliland,  isla markaana ay martigeliyeen dawladii uu Hoggaaminayay Madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Ibraahim Cigaal. Sidaa awgeed aanay macquul ahayn inay shaqsiyaad dano gaar ah lihi maanta majara habaabiyaan shacbiga Boorrame ee Awdal.

By, Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *