Hargeysa(Araweelo News Network)Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland  Xasan Axmed Aadan, ayaa markii u horaysay sharaxaad kooban ka bixiyay xadhiga Wargeyska Haatuf ee ay Xukuuumaddu

xayirtay, wuxuuna sheegay  in wargeyska Haatuf ay dacwad ka gudbiyeen Wasiirrada Daakhiliga iyo Macdanta, kadibna Maxkamada Gobolku amarka xayiraada soo saartay.

Xeer-ilaaliye Xasan oo warbaahinta uga warramay xayiraada Wargeyska Madaxa-banaan ee Haatuf, waxa uu tilmaamay in xukuumadda Somaliland aanay saxaafadda ku degdegin ilaa ay dambi ku helaan, isagoo yidhi,“Wax ka dacwooday Wasiirrada Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Macdanta, waxaanay ka dacwoonaayeen in aflagaadiyo beem-abuur laga sameeyey, waxa kale oo laga dacwoonaayey in Wasaarada Arrimaha Gudaha dadkii la kacinaayo oo wax been ah oo aan jirin la abuuraayo oo lagu gilgilanaayo dano kale. Yuusuf Cabdi Gaboobe lama xidhin iyo yarka tifaftiraha ka ah, waxaana dacwadooda loo gudbiyey Maxkamadda, waxaanay codsadeen in xayiraad la geliyo wargeyska.”

Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu intaa ku daray xukuumadiisu ka warwareegto xadhigga Saxaafadda, isla markaana ay ku dadaasho sidii ay u kori lahayd, “Runtii xukuumadda aan la shaqeeyo waxa weeye in aan xadhiggu noqon waxa ugu horreeya ee aannu ku hagayno Saxaafadda. Saxaafadeenuna waxay u baahan tahay hal-abuur, inay korto oo laga yaabo inay dagaallo sokeeye iyo burbur ka soo doogtay, mabda kaliya ee aanu leenahay waxa weeyaan in aan waaran la’aan lagu xidhin saxaafadda markay noqoto halka ugu dambeeya,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Aadan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *