ciidanka qaranka1Hargeysa(Araweelo News Network)Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa iskood uga baxay Magaalada Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool. Kadib markii ay shalay gudaha u galeen, iyadoo

 

aanay la kulmin wax dagaal ah.
Hase yeeshee warar laga soo xigtay saraakiisha Ciidamada iyo Taliska guud ee ciidanka Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland maanta iskood uga baxeen magaaladaa.
Dhinaca kale Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Nicholas Kay, ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda ka taagan degaanka Taleex ee Gobolka Sool, kadib markii ciidammada Qaranka Somaliland qabsadeen shalay, kana saareen kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Nicholas Kay, waxa uu baaq ugu jeediyey dawladda Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland oo uu u soo jeediyey inay xasillooni iyo wadahadal ku dhammeeyaan khilaafka ka dhashay muranka degaanka Taleex.

“Waxaan ugu baaqayaa in la muujiyo degenaansho iyo xasillooni, xaaladda hadda jirta laguma xallin karo qaab ciidan, dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa inay muujiyaan dulqaad iyo in aanay ku kicin ficil keeni kara dagaal. Waa in wax walba lagu xalliyo wadahadal, xasillooni, nabad iyo isu tanaasul,” ayuu yidhi Nicholas Kay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *