wasiirkada la kulamy wasiiradadjibouti

Djibouti(Araweelo News Network)Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan iyo Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo booqasho lama filaan ah ku tegey shalay dalka Djibouti, ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin

 

la yeeshay Wasiirradda Arrimaha Dibada Maxamuud CalI Yuusuf  iyo Shaqaalaha ee Dalka Djibouti Cabdi Xuseen Axmed, kuwaas oo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Hase yeeshe sida uu u  sheegay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Telefishanka Qaranka, waxay laba dhinac ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.
Xubnaha Wasiiradda Somaliland iyo Djibouti oo kulankooda ka dhacay maanta Wasaaradda Shaqada dalka Djibouti,  waxa kulankaa ka dib oo uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xisri Xaaji Cali oo la hadlay Telefishanka Qaranka Somaliland sheegay in masuuliyiintan labada dal ka kala socda ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal.

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaannu dalkan DJabuuti u nimi safar shaqo iyo danaha Somaliland, waxaanannu la kulanay sidaad arkayseen Wasiirka Shaqada iyo Cabdi Xuseen, runtiina waxaannu ka wadahadlaynay xidhiidhka labada waddan iyo wada shaqayntooda.

Dalka Somaliland iyo DJibouti waa dalal saaxiibo ah, walaalo ah, wada shaqayntayada sidii loo sii wadi lahaa uun baannu ka hadalnay si fiican oo qurux badana way noogu qabsoontay,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo telefiishanka Qaranka Somaliland uga xog-warramay ujeeddada kulankooda.

Ka hor kulankan waxa kulan xagga amniga ah dalka DJibouti ku tegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warran-cadde, Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Qaranka, kuwaas oo madaxda dalka DJibouti kala soo hadlay adkaynta amniga labada dal.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *