qarax Mukalla1
Mukalla(Araweelo News Network)Al-qaida dalka Yemen ayaa  ku weeraray Saldhig Ciidamada Booliska ee dalkaasi ku leeyihiin magaalada Mukalla ee caasimada gobolka Hadramawt ee Koonfur bari ee dalkaa.

Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Yemen ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ugu yaraan 11 sarkaal oo ka mid ah Booliska lagu dilay qaraxaa oo ahaa mid uu sababay gaadhi laga soo biuuxiyay waxyaabaaha qarxa, wuxuuna in tiro kale oo intaa ka badan oo Booliska ah dhaawacyo halis ah kasoo gaadheen.

Gaadhiga ayaa ku qarxay duleedka saldhiga booliska, waxaana gebei ahaan burburay oo dhulka galay inta badan dhismaha saldhigaa, isagoo Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Yemen intaa ku daray in dad shacab ah ay ku laayeen goobtaa, wuxuuna xusay in weerarkaa ay ka danbeeyeen Al-Qaida Yemen oo ciidamada dalku weeraro ku qaadeen maalmihii lasoo dhaafay deegaamada Koonfurta ee Shabwa iyo Abyan oo sida uu sheegay Wasiirku ay ciidmadu kasoo qaateen qalab iyo macluumaad goobihii laga qabsaday ee Buuraleyda deegaankaa, taas oo lala xidhiidhinayo in weerarka aargudashada ah ee ay ku qaadeen saldhigaa doonayaan in ay ku burburiyaan sirtii laga qaatay saldhigyadooda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay, iyadoo Maalintii shalay lagu dilay dalka Yemen laba Dublamaasi oo u dhashay dalka Maraykanka, kuwaas oo ka tirsanaa safaarada maraykanku ku leeyahay Sanaa.
Labadaa sarkaal ayaa warar laga soo xigtay ciidmada amaanka Yemen sheegeen in la toogtay xili ay timaha ka jaranayeen kuwa ugu caansan goobaha timaha lagu jaro oo uu lahaa Nin u dhashay dalka India oo ganacsi badan ku leh dalkaa, balse mudo dheer deganaa.
Sidoo kale weerar ayaa maalintii axadii lagu qaaday Wasiirka Difaaca dalka Yemen oo ay malayshiyo Al-Qaida ah jidgooyo u galeen meel aan ka fogayn dhismaha madaxtooyada Sanaa.
Dalka Yemen wax aka dagaalama kooxda Ansaaru shareeca oo sheegata Al-Qaida gasiirada carabta, kuwaas oo lagu tilmaamo in ay yihiin kuwa ugu awooda badan faracyada Al-qaida eek a dagaalama gasiirada Carabta, waxayna farabaas ku hayaan dawlada dalka Yemen oo uu gacan ku haynta amaanka ee dalku faraheeda kasii baxayo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *