Muqdisho(ANN) Dhisme xarun u ah  Ciidamada AMISOM  ee Muqdisho ayaa lala beegsaday qarax iyo weerar is wata maanta. Kadib markii laba nin oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira Amisom iyo ciidanka dawladda taagta daran weerar is miidaamin qarax ah ku qaadeen xeradii hore

 

ee jarmalka, iyadoo markaa qaraxa kadibna weerar ay huwiyeen halkaa ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka Ciidamada AMSOM, Paddy Ankunda ayaa u sheegay  saxaafada in weerarkaa  ay geysteen laba qof oo isku soo xidhay suumanka ay ka buuxaan waxyaabaha qarna,  kuwaas oo sida uu sheegay ku  labisnaa  dharka ciidamada dowladda Soomaaliya, balse waxa uu sheegay  in khasaare sahlani soo gaadhay markii weerarka qaraxa iyo duulaanka is huwan lagu soo qaaday xeradaa oo ay laba askari ku dhaawacmeen, isagoo ka gaabsaday inuu faah-faahin intaa ka baddan ka bixiyo.
Ma jiraan  warar  madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaa iyo weerarkaa, Balse warar qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay askarta AMISOM ee ku sugan halkaa, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in ku dhowaad 60 ka mid ah Askarta ku jirtay xeradaa ay ku dhinteen, halka tiro kalena ku dhaawacantay, waxayna dadka goobtaa u dhowi sheegeen inay arkayeen qaraxa ka dib weerar iyo dhaawac laga soo gurayo xeradaa.
Dhinaca kale Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali dheere) oo  faah faahin ka bixiyay howlgalkii Ciidamadoodu  ay maanta ku qaadeen Xeradii hore Jarmalka ee Jidka Warshadaha.
ayaa sheegay in barqanimadii maanta weerar culus oo isugu jira Naf-hurnimo iyo mid toos ah lagu qaaday saldhig Ciidamada Ugandha ay ku lahaayeen Jidka Warshadaha, isagoo  sheegay in weerarkaasi uu Khasaare badan kasoo gaadhay Ciidamada Ugandha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *