xaadBoorama(Araweelo News Network)Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa 45 Oday oo Somaliland booqasho xamaasad iyo muran dhalisay ku yimi Arbacadii hore. kadib markii ay kasoo kicitimeen

 

magaalada, ayaa ka waramay waxyaabaha uga soo baxay natiijada socdaalkooda iyo wixii ay la kulmeen.
Waxa uu sheegay in ay mudadii ay Somaliland joogeen kulamo la yeesheen Salaadiinta Somaliland oo ay ugu horayn la kulmeen, isla markaana ay kala hadleen ujeedada socdaalkooda oo uu ku sifeeyay in ay ahayd booqasho salaan iyo is-dhexgal, isla markaana ay arkaan nabada Somaliland ka jirta iyo waxay qabsadeen si ayuu yidhi oo aan ka barano wixii aan is leenahay way idin anfacayaan.
Sidoo kale Oday Maxamed Xasan Xaad wuxuu sheegay in ay kulamo la yeesheen Xisbiyada mucaaradka iyo Ururada bulshada, markaa kadibna ay dhinaca Boorama tageen oo ay kula kulmeen Saladiinta Boorama, waxay ujeedada socdaalkayagu ahaa” in kor loo qaado is-dhexgalka bulshada socdaalkayguna wuxuu ahaa daahfur aan is leeyahay wax badan ayuu kusoo kordhinayaa ummada soomaaliyeed waana ku guulaysanay shirarkaa oo dhan oo inta badan aan waxyaabahaa ka hadalay’ ayuu yidhi Xaad, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada Al-furqaan oo ka mid ah warbaahinta lala xidhiidhiyo in ay taageerto Al-shabaab.
Oday Xaad wuxuu ku dooday in aanay ujeedadoodu ahayn in ay ka hadlaan midnimo iyo goosi midna,  “ waxa jira Laba arrimood  oo aanan uga hadlayn midnimo iyo goosi midnaba, waana arrin siyaasiyi anaga waxaan rabnaa wadahadalkaa in wax badan oo is faham ah inuu keeno oo  looga faa’idaysto waxkasta oo ummadu mahadiso oo masiirkeeda ku dhiiban karto” ayuu yidhi.

Oday Maxamed Xasan Xaad isagoo ka jawaabaya su’aal la weydiiyay oo ahayd Ma dhabaa in socdaalkiinu barabar socdo shirka Turkiga ee la doonayo in lagu kala qaybiyo soomalida, sababtoo ah waxaad ku beegteen xili Somaliland u dabaaldegay sanad-guuradooda goosadka iyo sida ay macquulka u tahay in laydinku sawiro munaasibadaa si looga dhigo inaad raali ka tihiin, wuxuu yidhi. “ma filayo inay taasi dhacayso safarkayagu waa gebegebo, anagoo aan ka cararayn munaasibadaa 18 May  ka hor inaan noqonaan rabnaa,”

Hase yeeshee isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay waxyaabaha uga soo baxay booqashadaa iyo waxa uga muuqday bulshadii ay la kulmeen ee dareenkooda ku waajahan midnimada, waxa uu yidhi,

“si layaableh ayaa naloo soo dhoweeyay oo na farxad gelisay, dadka deegaanadaa joogaa ee ka yimi Koonfurtu, dadku dhib ma qabaan marka waxaas laysku daro waxa noo soo baxday in aan cuqdad la kala qabin wixii hore u dhacayna ay yihiin wax dadka ka sii dhamaanaya oo dadku in ay walaaloobaan ay fududahay, haddii waqti la tiriyona waa waqtiyar ayaan leeyahay”
Sida warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa Somaliland qorayeen waxa laydiin arkay Odayaal wadan shisheeye booqanaya, “Anagu taas ayaan doonaynay in aan meesha ka saaro oo waxaan ahayn Odayaal Muqdisho ka yimi oo Hargeysa tegey mana jirin fiise aan ku galay, umana aanu muuqanayn Odayaal wadan kale tegey oo ajaanib ah.”  Ayuu yidhi Maxamed Xasan Xaad.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *