maaliyada puntlandHargeysa(Araweelo News Network) Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland ayaa Madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Maaliyada Maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax oo mar keliya lagu warhelay, isagoo

 

ku sugan qolka VIP-da ee Madaarka Caaliga ah ee Egal  Intranitional Airport .

Wasiirka Maaliyadda ee Maamul goboleedka Garoowe, wuxuu Madaarka kasoo degay xili Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi kula hadlay Madaarka suxufiyiinta, isagoo ka warbixinayay mashaariic lagu kordhiyay Madaarka, iyadoo ay madaarka ku sugnaayeen Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud,Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta,Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo Wasiirka Maaliyadda Puntland ku qaabilay halkaa.
.Lama ogga ujeedada socdaalka Wasiirka Maaliyadda Puntland, balse warar la xidhiidha socdaalkiisa ayaa u xaqiijiyay shebekedaha Arraweelo.com iyo Araweelo News Network in uu ahaa Transit, isla markaana u socday dhinaca dalka Imaraadka Carabta oo uga sii gudbayay dhinaca dalka Kuwait.
Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax wuxuu muddo ku dhow saacad ku sugnaa Madaarka Hargeysa, waxayna kulan albaabada loo xidhay ku yeesheen Madaarka Wasiiradda xukuumadda Somaliland ka socday ee ku sugnaa Madaarka, kuwaas oo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Warbaahinta Puntland ayaa shalay qaarkood qoreen in Madaxweyne Xigeenka Maamulka Puntland oo booqasho dhuumasho ah ku yimi deegaanka Duleedka buuhoodle fara cididood kaga baxsaday Ciidamada Qaranka Somaliland eek u sugan jiidaa, balse ma cadda in Wasiirka Maaliyadda Puntland arrintaa iyo irrimo kale kala hadlay Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee ay kulanka albaabada loo xidhay ku yeesheen Madaarka Hargeysa, waxase jira dareeno ka dhashay kulankaa oo ay dadku su’aalo iska weydiinayaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *