Cukuse1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isku shaandheyn ballaadhan ku sameeyey madaxa waaxaha iyo

 

qaybaha kala duwan ee Wasaaraddiisa kadib cabashadii shaqaalaha idaacadda Radio Hargeysa ka sheegteen laba maalmood ka hor.

Wasiir Cukuse waxa uu xilal tiradoodu dhan tahay 49 u kala magacaabay masuuliyiin hore u hayey, kuwa la isku beddelay iyo xubno ku cusub wasaaradda oo uu ka mid yahay suxufiga ruug-caddaaga ah ee  Xuseen Aw- Jaamac Jibriil Xagar oo hore laanta afsoomaaliga ee BBC-da ugu qaabilsanaa gobollada bari ee Somaliland, kaas oo hadda loo magacaabay Tifaftiraha guud ee Telefishanka Qaranka.

Qoraal lagu faahfaahiyey magacaabista iyo isku shaandhaynta uu sameeyey Wasiirka Warfaafinta maanta, waxa uu u qornaa sidan;

“Anigaoo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamuuriyadda Somaliland, waxaaan halkan ku soo saarayaa isku-shaadhayn Waaxaha Wasaaradda, aniga oo tixgalinaya ahmiyada wayn ee ay Qaranka u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

Waxa waajib Qaran ah in la helo shaqaale tayo sare leh si ay u gudato waajibaadka Qaranka ay masuulka uga tahay.

Sidaa daraadeed, waxaan idinla socodsiinayaa in laga bilaabo maanta  oo ay taariikhdu tahay 14/04/2014 aan magacaabis xilal cusub iyo dib u magacaabis u sameeyay waaxaha Wasaarada ee hoos ku xusan:-

1.         Agaasimaha Maamulka, Maxamed Sh.  Maxamed Cawaale

2.         Agaasimaha Farsamada, Eng. Axmed Saleebaan Wayne

3.         Agaasimaha Idaacada, Siciid Aadan Cigge

4.         Agaasimaha Qosrshaynta iyo Wacyigelinta Axmed Ismaaciil Xuseen (Cirro)

5.         Agaasimaha WaaxdaDhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac

6.         Gudoomiyaha DAWAN Maxamed Cisman Mirre

7.         Gudoomiyaha Solna Xusseen Aadan Yuusuf

8.         Agaasime kuxigeen Farsamada C/laahi Aadan Maxamed

9.         Gudoomiye kuxigeenka Solna Yuusuf Maxamed Ismaacil

10.       Gudoomiye kuxigeenka DAWAN Cumar Maxamed Aw Faarax

11.       Madaxa Wararka TV-ga Maxamed Saciid Muxumed

12.       Madaxa shaqaalaha Mawliid Maxamed shaqale

13.       Tafatiraha Guud ee TV-ga Xuseen Jaamac Jibriil (Xagar)

14.       KaaliyahaTIfatiraha Guud ee TV-ga Maxamed Xuseen Cali

15.       Madaxa Barmaamujyada TV-ga Xuseen C/laahi Deeqsi

16.       Madaxa Editorka IsmacIil Maxamed Cakuule

17.       Xisaabiyaha Wasaarada C/rashiid Daahir Cali

18.       Madaxa Kaydka TV-ga AxmedJaamacFaarax

19.       Ku xigeenkaMadaxa Kaydka Axmed Aare

20.       Madax aBakhaarka (Store) Maxamed Maxamuud Burgal

21.       Kaaliyaha Bakhaarka (Store) MustafeYuusuf Ibraahim

22.       Madaxa Qorshaynta Salma C/raxmaan Sheekh

23.       Madaxa Wacyigalinta Jaamac Ismaaciil Xayd

24.       Madaxa Barmaamijyada Radio Hargeysa Khadar Max’ed Cakuule

25.       Ku xigeenka MadaxaBarmaajyada Radio Hargeisa Faysa Cali Xuseen

26.       Madaxa kaydka Idaacada Nimco Rooble Faarax

27.       Madaxa Online ka Safiya Cali Yuusuf

28.       Madaxa Gaadiidka Maxamed Axmed Cali (Curri)

29.       Madaxa laydhka iy oMishiinada Jaamac Axmed Faarax

30.       Madaxa Warlaliska Idaacada Cabdi Aadan Ismaaciil

31.       Madaxa Istuudyaha Idaacadda Maxamed Jaamac Cigaal (Jarmal)

32.       Madaxa Isku Xidhka istuudiyaha iyo Warlaliska MaxamedCabdi Idiris

33.       Madaxa Idaacada quraanka Maxamed Axmed Cabdilaahi (Shabeel)

34.       Madaxa Farsamada Idaacada Quraanka Maxamed Axmed Cali (M.Deeq)

35.       Madaxa Tafatiraha Englishka TV-ga Aadan Maxamed Cismaan

36.       MadaxaTafatirahaCarabiga TV-gaAxmedXasanAadan

37.       Madaxa Dukmanteriga C/qani Xasan Faarax

38.       Madaxa Baahinta Dibada TV-ga Axmed Maxamed C/raxmaan (Ugaas)

39.       Madaxa Baahinta Gudaha TV-ga Sidiiq Ismaaciil Axmed

40.       Ku-xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga C/risaaq Cismaan Maxamed

41.       Madaxa Warlaliska TV-ga Nuur Cumar Jaamac

42.       Madaxa IT-ga Wasaarada Xuseen Cali Caraale

43.       Ku- xigeenka Madaxa Satalliteka Maxamed Yuusuf Dhamac

44.       Ku xigeenka Madaxa Wararka TV-ga Cali AxmedCawaale (Canadhame)

45.       Madaxa Studio-yaha TV-ga Xasan Maxamed Jaamac (Panaroma)

46.       Ku xigeenka Madaxa Studio-yahaTv-ga Sharmaarke Maxamed Faarax

47.       Madaxa Kamaramanada (Cameraman) Axmed Xuseen Warsame

48.       Ku-xigeenka Madaxa Wacyigalinta Nafiisa Maxamed Xuseen

49.       Madaxa Monitoringka TV-ga Axmed Saxardiid Xirsi

Waxaan idiin rajaynayaa in aad si xilkasnimo leh uga soo bixi doontaan howsha la idiin igmaday. Sidaa iyo wadashaqayn wacan,” ayuu ku yidhi Wasiir Cukuse.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *