Mogadishu(Araweelo News Network)Wasiirka Danmark u qaabilsan Horumarinta iyo Ganacsiga Mr. Mogens Jensen iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho gaaban

 

shalay ku tegey magaalada Muqdisho, ayaa diiday in ay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud kula kulmaan Madaxtooyadda Villa Somalia.

Wefdiga uu hogaaminayay Wasiirka Dawlada Danmark u qaabilsan Horumarinta iyo Ganacsiga Mr. Mogens Jensen waxayna u sheegeen Madaxweyne Xasan Sheekh in ay qadar dadiiqado ah joogayaan Muqdisho oo aanay dhaafayn Madaarka Muqdisho. Sidaa awgeed ay kula kulmayaan Madaarka, taas oo lala xidhiidhiyay amaanka magaalada Muqdisho iyo Madaxtooyadda Villa Somalia oo aan ahayn goob amaan ah oo ay wufuuda ka socota wadamada reer galbeedka iyo Hay’addaha Caalamiga ah ku aamini Karin naftooda.

 

Kulan qadar kooban ah oo ay la yeesheen wefdiga uu hogaaminayay Wasiirka Horumarinta iyo ganacsiga Danmark Mr. Mogens Jensen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen, balse wefdiga ayaa markaa ka dib usoo boqoolay dhinaca Somaliland, iyagoo kasoo degay shalay dhabaha diyaaradaha Egal international Airport  ee Hargeysa, isla markaana xalay u hoyday magaalada Hargeysa.

Wefdiga ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku qaabilay qasriga Madaxtooyada.

 

Kulankaa ka dib waxa saxaafada la hadlay Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi iyo Wasiirka wefdiga Danmark hogaaminayay.

Mr. Mogens Jensen oo warbaahinta u sheegay in ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland xidhiidhka u dhexeeya Dawladiisa iyo Dawlada Somaliland oo mid mudo dheer soo jiray wuxuuna oo ay Somaliland iyo shacbigeeda ka caawiyaan dhinacyada nabadgelyad, Dumuqraadiyada, horumarinta shuruucda, la dagalanka bushcad-badeeda iyo dawlad wanaaga.

Sidaa awgeed waqtigan socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay maalgelin ugu salayn lahaayeen dhinacyada Kaluumaysiga, xoriyada saxaafada, xuquuqda aadamaha, horumarinta dhaqaalaha iyo sidii loo soo adkayn lahaa xidhiidhka siyaasadeed ee Danmark iyo Somaliland, ayuu yidhi Mogens Jensen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo sidoo loo diyaarin lahaa doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, waxa kale oo uu sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha isku dheelitirka siyaasada ee ragga iyo haweenka iyo xaalada gudniinka fircooniga ah.

Wefdiga Danmark ayaa maanta ka anbabaxay Somaliland. Kadib markii ay xalay u hoydeen Hargeysa.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
Hargeisa Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *