images/stories/dr. saad ali shire2.bmp     Hargeysa (ANN)- Wasiirka cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magaacabay Wasaaradda Qoryshaynta iyo Horumarinta Somalland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa xukuumadda cusub ugu baaqay inay xidhiidh wada shaqayneed la yeelato dadweynaha si meesha looga saaro kala xidhnaanta dawladda iyo shicibka, lagana wada shaqeeyo horumarinta dalka iyo ka midho-dhalinta masiirka ummadda. Sidoo kale waxa uu ka hadlay xilka loo magcaabay iyo dareenkiisa. Wasiirka cusub ee

Wasaaradda Qorshaynta oo  ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa  xalay khadka telefoonka ugu warramayey tifatiraha Jamhuuriya Maxamed Cirro, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo xilka wasiirnimo ee loo magaacabay, isla markaana darsi doono halka uu hawsha u horaysa ka bilaabi doono markuu helo warbixinaha masuuliyiinta shaqada uga horreeyay, isagoo xusay inay dalka yaallaan hawlo culus oo lagaga bixi karo iskaashi iyo gacmaha la is-qabadso.
Dr. Sacad Cali Shire oo ugu horreyn ka jawaabay su’aal ahayd siduu u arko xilka loo magacaabay waxa uu yidhi; “Wallaahi; xilka culus ee la ii magacaabay waan soo dhawaynayaa. Waxba iska hagran maayo in aan intii awoodayda ah ugu shaqeeyo qaranka Somaliland.”
Mar wasriika la weydiiyey inuu filayey xilka loo magacaabay iyo wixii uu dareemay markuu magaciisa ku dhex arkay liiska golaha wasiirrada cusub ee Axmed Siilaanyo magacaabay waxa uu yidhi; “Runtii waan filayey in wasiir la iga dhigayo oo kolba waa la ila soo hadlayey igumana cusba oo ku soo boodo igu may noqon xilkan la ii dhiibay, markii aan magacayga ku arkay liiska golaha wasiirradana waxaan dareemay masuuliyad culus oo i fuushay.”
Waxa kaloo wasiirka la weydiiyay halka ugu horreysa ee uu jecel yahay inuu ka bilaabo hawsha Wasaaradda Qorshaynta, waxaannu ku jawaabay; “Kolleyba marka ugu horreysa waxaan jecelahay in aan warbixin ka helo halkay marayso hawsha wasaaradda qorshayntu, markaa kadib ayaan darsi doonaa halka aan hawsha ka bilaabi doono.”
Dr. Sacad Cali Shire oo la su’aalay farriinta uu u jeedinayo shacabka Somaliland, maadaama oo uu ka mid yahay xukuumadda cusub, wuxuu yidhi; “Waxaan odhan lahaa shacabka Somaliland. Waxa inoo taal hawl culus oo u baahan in lagaga bixi karo iskaashi iyo in gacmaha la is-qabsado xukuumad iyo shacab-ba, dadkuna hadday doonayaan horumar iyo barwaaqo waa inay la shaeeyaan xukuumadda ay codkooda ku doorteen, waxaanan jecelahay in dawladdu noqoto mid dadweynaha ka qayb-gelisa horumarinta dalka oo xidhiidh dhow la yeelata, si meesha looga saaro kala qoqobkii iyo isku xidh la’aantii ka dhexaysay dadweynaha iyo dawladda, xukuumadda cusubna waa inay ka shaqayso sidii la isugu soo dhawayn lahaa dadweynaha iyo dawladda oo dhinac loogu wada jeedsado horumarka dalka iyo ka midho-dhalinta himilada ummadda.”
Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire oo hadda ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska, waxa uu sheegay in marka ugu horreysa ee fursad helo uu dalka ku soo noqon doona, isagoo xusay in helitaanka duullimaadyadii diyaaraduhu ku adkaaday, maadaama dad badani ka soo noqonayaan fasaxii xagaaga.

Source
Jamhuuriya Online

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *