Hargeysa (ANN) Wasiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mr. Henry Bellingham, ayaa sheegay inay la shaqayn doonaan Dawladda cusub ee dhawaan la wareegtay talada Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Henry Bellingham oo ka hadlayay arrimaha Soomaalida, ayaa sheegay in dawladdiisa ay ka go’an tahay inay la shaqayso dawladaha Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin tallaabo kasta oo xal loogu helayo qalalaasaha Soomaaliya.

 

“Ingiriisku waxay si cad oo taxaddir leh indhaha ugu haynayaan arrimaha Soomaalida, kaliya maaha arrimaha Budhcad-badeedda iyo argagixisada, laakiin waxaanu danaynaa shacabka Soomaalida oo aanu doonayno in aanu qayb ka noqono iskudayada lagu doonayo in isbedel lagu sameeyo habkooda nololeed, taasina waa sababta in aanu la shaqayno dawladda ku-meel-gaadhka ahi ay si aad ah muhiim u tahay,” ayuu yidhi wasiirku oo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waa in xal loo helo dhibaatooyinka iyo aafooyinka Soomaaliya, taasina waa sababta aanu u doonayno in aanu xaqiijino in dawladda ku-meel-gaadhka ahi hesho hab ay u horumariso shaqadeeda.”

Wasiirku wuxuu sheegay in ay dawladda cusub ee Somaliland. “Waanu la shaqaynaynaa maamulka cusub ee Somaliland, maamulka Puntland iyo sidoo kale maamuullada gobollada ee ka jira Soomaaliya.” Ayuu yidhi Henry, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu aragti u leenahay cid kasta oo doonaysa inay nagala shaqayso sidii wada-xaajood wax loogu dhisi lahaa.”

Waxyaabaha kale ee uu wasiirku ka hadlay waxa ka mid ah, qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampla ee dalka Uganda oo ay sheegteen kooxda Al-Shabaab, waxaanu sheegay in Kooxdaasi ay waxyeello u geysanayaan Soomaalida. Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay waxa ka mid ah arrimaha argagixisada. “Waxaanu samaynaynaa wax kasta oo aanu kula talin karno dawladaha deriska ah la-dagaallankooda argagixisada, waxaananu qaadaynaa tallaabo kasta oo aanu ku hubinayno in ay jiraan xag-jir Ingiriiska jooga oo u socdaali kara Soomaaliya,” ayuu yidhi.
Sidoo kale safiir ku xigeenka safaarada  Britain  ku leedahay Adis-ababa  John Marshal ayaa hore u sheegay todobaadkii hore inay xukuumada Britain soo dhowaynay is bedelka cusub ee Somaliland, isla markaana wuxuu ka dhawaajiyay inay dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta mashaariicda ka caawin doonaan Somaliland oo ay si cad ula shaqayn doonaan xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo oo uu ku tilaamay mid ay ka filayaan horumar iyo xidhiidh wanaagsan si wax loogu qabto Bulshada  Somaliland ee jecel horumarka Dumuqraadiyada iyo nabadgelyada ayuu yidhi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *