Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Ku Guulaystay Xal U Helida Daminta Mudaharaad Lagaga Cabanayay Biyo La’aan Oo Khasaare DhaliyayHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo khaasanaya Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) ayaa ku guulaystay

 

in shaqadooda dib u blaabaan Baabuurta Booyadaha ee biyaha usoo dhaamiya qaybo ka mid ah magaalada Hargaysa oo sameeyay shaqo joojin.
Talaabada Booyadaha Biyaha dhaamiyaa ku joojiyeen shaqada ayaa sababtay Mudaharaad lagaga cabanayay Biyo la’aan soo foodsaartay xaafaddo ka mid ah Magaalada Hargeysa labadii maalmood ee u danbeeyay, kadib markii Booyaduhu ku doodeen in lagu kordhiyay lacag cashuur ah, taas oo ay sheegeen in aanay qaadi Karin. Sidaa awgeed ay Biyo dhaamiska joojinayaan ilaa inta arrintooda wax laga qabanayo cabashadooda.

Mudaharaadka oo sababay dhimashada hal qof oo uu jiidhay Gaadhi kuwii gurmadka gargaarka caafimaadka sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, ““Maalin kasta oo mudaharaad dhaco dad baa dhinta, durba saaka qof baa dhintay arrintaasi awgeed, inkasta oo aanay xabbadi ku dhicin sidii caadada ahayd, laakiin Baabuur ka mid ah kuwii gurmadka ayaa jiidhay,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde, balse ma sheegin khasaaraha kale ee ka dhashay mudaharaadkaa oo lagu guulaystay in la hakiyo. Kadib markii Wasiirka oo ay weheliyaan Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Saraakisha Booliska iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyihu kulan la qaateen Gudida Dareewaliinta Booyadaha shaqo joojinta sameeyay, kuwaas oo ka aqblay Wasiirka in ay bilaabayaan shaqadii ay Bulshada u hayeen, isagoo dhinaciisa balanqaaday in ay xukuumad ahaan arrinta cabashadooda wax ka qabanayaan oo ay jawaab ka sugaan. Laakiin ay hawshoodii dib u bilaabaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dalka kusoo laabtay shalay. Kadib markii uu dhawr todobaad socdaal ugu maqnaa dhinaca dalka Britain, waxaana ilaa shalay sidii loo xalin lahaa ku mashquulsanaa Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Caasimada oo doonayay in ay hawshaa xal u helaan, balse markii saaka mudaharaadku u bilaabmay si lama filaan ah, waxa arrinta soo dhexgalay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali warancade.

Dhinaca kale Mudaharaadayaasha oo ka cabanayay Biyo la’aanta ayaa mudaharaadka ka sameeyay wadooyin muhiim ah oo ku yaal xaafadaha ay arrinta biyo la’aantu sida gaarka ah u saamaysay, waxayna ku shideen wadooyinka Taayiro iyo dhagxaan ay ka buuxiyeen.

Ciidmada Booliska ayaa la tacaalay Mudaharaadkaa, kuwaas oo ku guulaystay in ka dareeriyaan wadooyinka, waxaana ilaa hada inta la ogyahay dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen sadex qof oo lab aka mid ah ay yihiin Ciidamada Booliska oo dhagxaan ku dhaceen iyo hal qof oo shicib ah, kaas oo wararku sheegayaan inuu ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada amaanka ee la tacaalayay rideen oo meel ka baxsan goobta mudaharaadku ka dhacay ku haleeshay.

info@arweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *