London (ANN) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Mr. William Hague, ayaa markii ugu horreysay tilmaan cad ka bixiyey waqtiga dawladdiisu go’aan cad ka gaadhi doonto qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.Mr. Hague waxa uu si mug leh uga hadlay rabitaanka

 

shacabka Somaliland ee la xidhiidha
madaxbannaanidooda, isagoo ammaanay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay gaadhay.
Wasiirka Khaarajiga Ingiriiska oo Isniintii toddobaadkan khudbad ka jeediyey aqalka Baarlamanka dalkaas oo uu uga warramayey siyaasaddiisa arrimaha dibadda, gaar ahaan dalalka woqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa su’aalo badan oo mudanayaashu waydiiyeen waxa ka mid ahayd mid si gaar ah uga hadlaysay rabitaanka madaxbannaanida shacabka Somaliland doonayaan, taasoo uu isna si degan uga jawaabay.
“Mr. Hague waxa uu si dhow noogala hadlay qaar ka mid ah meelaha ugu dhibaatada badan adduunka. Waxaannu ku bilownay Soomaaliya, halkaas oo ay ku taal Somaliland oo madaxbannaani raadinaysa.” Sidaa waxa lagu sheegay qayb ka mid ah warbixin laga diyaariyey khudbadda Mr. Hague oo lagu daabacay wargeyska Dailymail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.
Intaa kadib, waxa weriyaha warbixintan qoray yidhi, “Mudane Mike Gapes oo xisbiga Laber ugu jira Baarlamanka Ingiriiska, ayaa wasiirka weydiiyey rabitaanka Somaliland ee ah inay dawlad madaxbannaan noqdaan. Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska oo arrintaas ka jawaabayey ayaa si diirran uga hadlay rabitaanka dadka Somaliland ee la xidhiidha madaxbannaanida, laakiin waxa uu sheegay inay sugi doonaan ilaa inta laga takhalusayo ama la yaraynayo argagixisada.”
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi oo xubin ka ahaa weftigii Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo ee Isniintii dalka ku soo laabtay, ayaa waraysi uu dhowaan bixiyey waxa uu ku sheegay inay yar tahay fursadda dawladda Ingiriisku ugu horreyn karto aqoonsi diblomaasiyadeed oo loo fidiyo Somaliland, isagoo tilmaamay inay jiraan masuuliyiin Ingiriis ah oo dano gaar ah ka leh mandaqadda Gobolka Geeska Afrika, kuwaasoo uu xusay inay u hawlgeli doonaan sidii xoogga loo saari lahaa in qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland laga dhaadhici dalalka Afrika.
Xiggasho Jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *