http://www.somaliland.org/images/b/2013/11/sawirka-labaad.jpgDjibouti(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Aggaasimaha guud ee wasaasaradda arrimaha debeda Maxamed Xasan. Socdaalka wasiirka ayaa daba socday

 

safar uu mudooyinkan ku marayay dalalka Britain iyo Masar, kuwaas oo uu kula kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumaddaha Britain iyo Qaahir.

Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland iyo Agaasimaha guud eek u weheliyay socdaalkaa, waxa si weyn loogu soo dhoSidaasna caasimada Djibouti shalay, iyadoo uu dhabaha diyaaradaha kaga horyimi wefdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha debeda Djibouti iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo qada sharafeed u sameeyay shwaxa lagu sheegay war-murtiyeed maanta ka soo baxay xaruntefdiga.
Qoraal saxaafadda loogu talo galay oo wasaaradda arrimaha debeda Somaliland kaga hadashay socdaalka wasiirka iyo Agaasimaha guud ayaa lagu sheegay in ay masuuliyiinta dalka Djibouti ka wada hadli doonaan xoojinta wax wada qabsiga labada dal.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska arrimaha debeda Somaliland ayaa u dhignaa sidan”“Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Djibouti.

Wasiirka oo ku jira socdaal shaqo oo ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Britain iyo Masar  kasoo degay 11:00 subaxnimo gegida diyaaradaha dalka DJibouti halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane: Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Shaqada Mudane Cabdi Xussen iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Djibouti.

Socdaalkan Wasiirka oo ku weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Mudane Maxamed Xasan Siciid, waxa qado sharaf u sameeyay wasiirka shaqada iyado ay ka soo qayb galeen wasiirro badan oo ay ka mid yihiin wasiirrada Arrimaha dibada, Maaliyada iyo Dhaqaalaha, Arrimaha gudaha, Cadaalada, Miisaaniyada, difaaca, warfaafinta iyo isgaadhsiinta. Waxa kale oo casuumadaasi lagu soo dhawaynayay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ka soo qayb galay, gudoomiyaha bangiga, madaxa amniga qaranka, xoghayaha guud ee xukuumada, xoghayaha guud ee xafiiska Raysal wasaaraha, taliyaha bileyska Djibouti, taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyadda, xildhibaano iyo ganacsatada waawayn ee reer Djibouti” ayaa lagu yidhi qoraalka.
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *