Saax-dheer(Araweelo News Network)Kooxda Malayshiyada Cali Khaliif Galaydh oo cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland galafeen fadhiisinkii

 

u danbeeyay ee deegaanka Saax-dheer oo qiyaastii 80km dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegaan Laascaanood, taas oo ay  doonayeen in lagu qabto xaflad lagu maamuusayo doorashada Galaydh shalay waabeerigii, ayaa laga qabtay gaadiid iyo maxaabiis ay la wareegeen ciidanka Qaranka Somaliland.

Goobta loo diyaariyay in lagu qabto munaasibadaa, waxa ku sugnaa malayshiyo kooxda Khaatumo ah iyo marti sharaf qaarkood ka yimaadeen Muqdisho, Kismaayo, Kililka Shanaad ee Ethiopia iyo deegaamo kale, kuwaas oo doonayay in ay ka qaybgalaan xafladaa, balse xaalada ayaa is bedeshay markii ciidanka Qaranka Somaliland galeen Saaxdheer, taas oo sababtay in ay jihooyin kala duwan u kala cararaan Galaydh iyo dadkii martida u ahaa, iyadoo Hogaamiyihii Kooxda Cali Khaliif Galaydh firxad ku galay habeenimadii xalay  magaalada Gaalkacayo.
Ciidanka Qaranka Somaliland oo la wareegay Saax-dheer, ayaa gacanta ku dhigay maxaabiis tiradoodu dhan tahay ilaa 10 xubnood iyo gaadiid isugu jira laba baabuur oo nooca dagaalka ee loo yaqaan Tignikada ah iyo Laba gaadhi oo kuwa raaxada ee loo yaqaan Landcruiser-ka ah.

Cutubyada Ciidanka ee galay Saax-dheer, ayaa sidoo kale wareegay agab iyo qalab kala duwan oo loogu talogalay in lagu maamulo xafladdii kooxda Cali Khaliif Galaydh doonaysay in lagu qabto deegaankaa.

Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa dhinaca Somaliland soo gaadhay khasaaraha Laba Askari oo ku dhintay Hawlagalkaa, iyadoo mid kalena ku dhaawacmay.

Taliye Shaqale ma sheegin dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay Malayshiyada Galaydh, balse warar shebekada Araweelo News Network ka heshay deegaanka ayaa sheegay in Lix ka mid ah Malayshiyada Galaydh ku dhinteen goobta.
Toban Maxbuus oo lagu soo qabtay Saaxdheer, ayaa la geeyay xabsiga Burco xalay, kuwaas oo mid ka mid ah uu ahaa dhawaac oo loo leexiyay Cusbitaalka Burco.

Liiska Magacyada maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Saaxdheer ee Xabsiga Burco la geeyay ayaa ah sidan:-

1. Ciise Cabdi Cabdulle.

2. Siciid Jaamac Ismaaciil.

3. Cabdirisaaq Axmed Saleebaan.

4.  9. Maxamed Cumar Cabdi.
5. Asad Xuseen Cismaan.

6. Xildhibaan Maxamuud Axmed Ibraahim

7. Dhuux Deeq Axmed.

8. Shir-shoole Maxamuud Xaaji Hirad.

9. Xuseen Xasan Jaamac.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *