http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/04/bre1.gifHargeysa(Araweelo News Network) Kooxada Wasiiradda awooda badan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mayalka u haya ayaa ku khasbay qayb ka mid ah Guddida qaban-qaabada

 

shirweynaha Xisbiga Kulmiye inay khasab ku doortaan hogaan  ka kooban Afar xubnood. Kadib markii ay maanta kulan qarsoodi ah ku yeesheen qol madaw oo ku yaal Gurri ku yaala Magaaladda Hargeysa.

Kulankaa oo ahaa mid aanay hogaanka xisbigu waxba kala socon, isla markaana aanay ka qaybgelin kala badh xubnaha gudida qabanqaabada, waxay xubnaha wasiiradda awooda badan ee loolanka ugu jira sidii ay ula wareegi lahaayeen hogaanka xisbiga Kulmiye  ku khasbeen xubnaha ka qaybgalay in ay doortaan Afar xubnood oo kala ah Guddoomiye, Guddoomiye Ku xigeen, Xoghaye iyo Afhayeen.

Kulankaa qarsoodiga ah oo ahaa mid lasoo qorsheeyay, waxa xubnaha  gudigga Qaban qaabada eek a qaybgalay lagu sheegay 15 xubnood oo ka mid ah 27 xubnood ee ay ka kooban yihiin, waxaana madasha ka maqnaadey oo aan qorshahaa la socon xubnaha kale ee gudida iyo hogaanka Xisbiga.

Xubnaha laysugu geeyay guriga oo wararka qaar sheegayaan in Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samalle iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo isagu ku maqan dalka Britain, balse Telefoonka ka maamulaya arrimahaa iyo qorshayaasha ay ku doonayaan inay  kula wareegaan talada iyo awooda xisbiga, waxayna xoggo kulankaa la xidhiidhaa sheegayaan inay lacag badan ku iibsadeen xubnaha gudida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye, kuwaas oo ay doonayaan inay soo xulaan xubnaha ay doonayaan si ay ula wareegaan tallada xisbiga.
Kooxdaa Xubnaha ka ah gudida qaban-qabanqaabada ayaa  sheegay in ay Guddoomiye u doorteen Abubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeenna Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, halka Xoghayaha Gudigga loo doortay Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale, halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.

Hase yeeshee  Guddoomiye Jaamac Shabeel oo ah gudoomiyaha golaha dhexe ee xsibiga iyo Xildhibaan Ibraahin Kacaan oo ka mid ah gudida qaban-qaabda ayaa ka hadlay doorashada kooxda gudida qaban-qaabada, waxay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo aanay waxba kala socon masuuliyiinta iyo hogaanka xisbiga Kulmiye, isla markaana xeerkii ay ku shaqayn lahaayeen gudiidu aanu weli diyaar ahayn.
Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel oo ka hadlay arrintaa, wuxuu yidhi,  “Waxaan idiin sheegayaa gudoomiye’yaashaas ay doorteen inay tahay sharci darro,fadhigii ugu horeeyay ee gudidani muu qabsoomin wali,waxa u dhinayd cidii abuurtay iyaga oo gudiga fulinta ahayd inay u soo samayso xeer hoosaadkii ay ku shaqayn lahaayeen ee uu ku jiray qaab dhismeedkoodu,ma gudoomiye kaliyaata ayay yaalanayaan ma gudoomiye iyo ku xigeen ayay yeelanayaan, ma gudoomiye iyo xoghaye ayay yeelanayaan,ma gudiyo ayaa loo sii kala ja’jabinayaa iyada oo laga fikiraayo hawsha hor taala ee gudidu qabnayso,ayay ahayd inay gudida fulintu fadhiisato oo ay ka fikirto qaab dhismeedkoodu sida uu noqonaayo, qaab dhismeed ayay iska samaysteen aanay awood u lahayn oo sida aan warbaahinta ku arkaayay afartan xubnood ee ay magacaabeen wax allaale iyo waxay sharciyad ku fadhidaa ma jirto, gudida fulintaana xilkaas iska lahayd,xilkii gudida fulintana way maroorsadeen iyaga oo aan awood u lahayn.” Ayuu yidhi.
Dhinaca kale Gudoomiye Xiggeenka Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin ayaa ku tilmaamay talaabada ay qaadeen qayb ka mid ah gudida mid aan sharci ahayn oo aan shaqaynayn.
Talaabada ay qaadeen kooxda awooda badan ee wadaadada doonaya inay la wareegaan talada iyo hogaanka xisbiga Kulmiye, iyagoo adeegsanaya dhaqaalaha ummada iyo lacago kale oo kale oo ururo iyo maalqabeeno carbeed, isla markaana isticmaalaya awooda xilalka ay qaranka u hayaan,  waxay durba muujisay ddeg dega ku jira sida sharcidarada ah ee doonayaan inay hogaanka xisbiga ula wareegaan, iyagoo horeba awooda xukunka uga fara mariijiyay Madaxweyne Siilaanyo.

Liiska Magacyada xubnaha ay iibsadeen wadaada awooda badani.
1- Guddoomiye Abubar Xaamud Jibriil
2- Gudoomiye Ku xigeenka Saleebaan Cawad (Bukhaari)
3- Xoghaye C/Raxmaan Maxamuud Carraalle
4- Farax Faarax Cali
5- Ammaal Xaaji Miisaan
6- Fu’aad Maxamed Cumar
7- Yaasiin Maxamed Cabdi
8- Sahal Maxamed Jaamac
9- Maxamuud Axmed Saalax
10- Cali Obsiiye Diiriye (Cali-Gabiley)
11- Dr. Cumar Cilmi Dixood
12- Mustafe Faarax Dhoorre
13- Cismaan Garaad Saleebaan
14- C/Risaaq Waabari Rooble
15- Yuusuf Nuur Maxamed (Guruuje)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *