London(ANN /The Guardian) ‘Soomaalida joogta Ingiriiska waxay isu abaabulayaan sidii ay dhaqaale u gaadhsiin lahaayeen dadka abaaruhu waxyeelleeyeen’ Maamulaha Guud ee Dahabshiil”. Wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee caanka ah ee The Guardian ayaa

 

Jimcihii qoray maqaal xiiso badan oo uu ku soo weriyey in Jilaaga caanka ah ee Ewan Mcgregor ee aad loogu bartay musalsallada Star Wars uu guntiga u giigsaday sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamij ay maalgelisey hay’adda UNICEF oo indhaha adduunka loogu soo jiidayo dadka macaluusha iyo dayacu ka soo gaadheen abaaraha daba dheeraaday ee Koonfurta Soomaaliya qaybo waaweyn oo ka mid ah ku habsaday.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee Unicef ayaa u adeegsanaysa jilaaga caanka ah ee Ewan McGregor inuu la galo olole qaadhaan loogu yaboohayo malaayiinka qof ee abaaraha daran ku haleeeleen geeska Afrika.
McGregor, oo ah safiirka Unicef ee UK,  ayaa ka muuqan doona filimaanta isagoo ka codsanaya daawadeyaasha inuu qof walba US$5 kaga soo diro fariin telefoonkiisa, ayaa halku-dhig ku odhan doonaa, “Intaan filimku bilaabmin waxaan doonayaa caawintiina, xilligan 250 caruur ah ayaa ku dhimanaya Soomaaliya maalin walba. Wiil yar ama gabadh yar ayaa lixdii daqiiqadoodba dhimanaysa. Waxa haysta abaar, waxay baahi weyn u qabaan cunto iyo biyo, waan caawin karnaa, waxa la joogaa xilligii aan la qeybsan lahayn”
In badan oo ka tirsan fanaaniinta Afrika ayaa muuqaalo ku soo gudbin doona YouTube-ka ay ugu baaqayaan xukuumadaha iyo shucuubta Afrika inay talaabo qaadaan, si looga jawaabo dhibaatooyinka haleelay Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale qeybo ka tirsan Koonfurta Sudan, Eriteriya iyo Yugandha.
Qaar ka tirsan ganacsatada, sida shirkada Diyaaradaha British Airways, National Bank of Kuwait iyo Eli Lilly, waxay ku yabooheen dhaqaale. Shirkada Dahabshiil, oo xarunteedu ku taal  Whitechapel, East London, waxay ugu deeqeen (in ka badan) $100,000 (£61,477) shacabka abaarahu haleeleen, isla markaana ugu baaqeen shirkadaha ganacsatada caalamka inay waddadooda raacaan.
Mamulahaa Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale, ayaa sheegay in shirkadooda oo badi qaabilsan  diritaanka lacagaha xawaaladaha uu sare u kacay boqolkiiba 10% lacagaha loo diro Bariga Afrika ila markii la shaaciyey in abaaro ba’an ka jiraan bishii hore, inkastoo aanu sheegin xaddiga lacagtaa. Dadka Soomaalida ee dibedaha jooga ayaa Dahabshiil sannad walba ku dira dhaqaale gaadhaya  $1.6 bilyan. Ducaale ayaa sheegay in Soomaalida joogta Ingiriisku isu abaabulayaan sidii ay dhaqaale ugu diri lahaayeen. “Waxay yimaadaan xafiiskayaga iyagoo doonaya inay wax ku yaboohaan si walba, waxay isku abaabulaan maqaaxiyaha, masaajidada, iyo xaafadaha,” ayuu yidhi Duale. “Rabshadihii  London qof walba way taabatay, oo lagu ilaaway abaarahii bariga Afrika, laakiin  jimce walba marka dadku isugu yimaadaan masaajidada waxay hayaan way ku yaboohaan, maantana waxaan filayaa inay waxay hayaan bixin doonaan.”
Ducaale ayaa sheegay  in jawaabo fiican laga helay hay’adaha gargaarka, hogaamiyeyaasha diinta, iyo guud ahaan shacabka Soomaalida, laakiin muhiimada weyn waa in ganacsatadu talaabo weyn qaadaan, “Annagoo ehel iyo qaraabo wada ah,  isku diin iyo dhaqan ah, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada waaweyn inay jeebkooda gacmaha geliyaan oo qaadaan talaabadii ugu danbaysay ee lagu gargaari lahaa dadkaa, weliba inta lagu jiro bishan barakaysan ee ramadaan,” ayuu yidhi.
Ilaa xilligan shacabka Ingiriiska ayaa ku yaboohay dhaqaale gaadhaya £50milyan guddida qaabilsan abaaraha, “Iyadoo xilligan dhibaatooyin ka taagan yihiin Ingiriiska, shacabka Ingiriisku waxay ku faanayaan inay noqdaan kuwa ugu horeeya ee ka jawaabay gargaarka abaaraha bariga Afrika,” ayuu yidhi Brendan Gormley, agaasimaha  DEC. “Laakiin xadiga baahidu way weyn tahay, in ka badan 12 milyan ayaa baahi weyn qaba.  Sida gargaarka shacabka waa in xukuumaduhu ku deydaan. Qaramada midoobay oo gargaar gaadhayey  $2.4bilyan u doonaysay abaaraha ayaa ilaa xilligan helay $1.2bn, wax ka yar boqolkiiba  52%.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *