afguduud1Boosaaso(Araweelo News Network) Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Maamul Goboleedka Puntland Col. Jamaac Siciid Warsame Af-guduud ayaa ku dhintay weerar lala beegsaday Kolanyo gaadiid uu la socday oo

 

koox hubaysan la beegsadeen duleedka magaalada Boosaaso.
Ma jiraan warar la xidhiidha geerida sarkaalkaa oo kasoo baxay maamulka Puntland, balse warar kala duwan oo laga helay dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka oo ka dhacay meel qiyaastii 20km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta Magaalada Boosaaso dhaawacyo kasoo gaadheen Taliyaha Daraawiishta Puntland iyo dareewalkiisa, kuwaas oo dhaawacooda loola cararay cusbitaal ku yaal magaalada Boosaaso, iyagoo markaa u dhintay dhaawacyada kasoo gaadhay weerarkaa.
Weerarkaa waxa kale oo wararku sheegayaan in uu ku dhintay sarkaal kale oo aan magaciisa la sheegin, mana jirto cid sheegaty weerarkaa, balse waxa lala xidhidhay malayshiyada xidhiidhka la leh Al-shabaab eek u sugan buuraha Galgala, kuwaas oo ay marar hore dagaalo dhexmareen ciidamada maamulka Puntland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *