afgooyeqarax1Muqdisho(Araweelo News Network)Qarax weyn ayaa gilgilay xerada ciidamada AMISOM ee carbiska oo ku taal duleedka Muqdisho, wuxuuna qaraxu dhacay xili ay halkaa gelayeen

 

kolanyo gaadiid oo ciidamada AMISOM ka tirsan.
Qaraxa ayaa ahaa gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa sida ay sheegtay Al-shabaab, waxayna sheegashada qaraxaa ku tilmaameen mid guul ah oo lala beegsaday kolanyada oo ay la socdeen saraakiil Maraykan ah, isla markaana waxay sheegeen in ay ku dhinteen saraakiil maraykan ah iyo kuwo ka tirsan ciidmada AMISOM, iyagoo tirada dhimashada ku sheegay 5 sarkaal oo Maraykan ah iyo 7 ciidamada AMISOM ah, Balse AMISOM way beenisay in ay ciddi kaga dhimatay weerarkaa isqarxinta baabuurka, waxayna sheegeen in darawalkii gaadhiga ay toogteen ka hor inta aanu baabuurku qarxin.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha ka dhashay weerarkaa oo ka dhacay duleedka Muqdisho ee Afgooye, waana weerarkii labaad ee qarax ka dhaca Muqddisho 12 saacadood ee u danbeeyay.AMISOM1

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *