-
Published On: Wed, Sep 28th, 2011

Taliyihii Ciidanka Booliska Djibouti Oo Toogasho Lagu Fuliyay

Smiley face
Share This
Tags

Djibouti(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliiska dalka Djibouti Col,  C/llaahi Cabdi Faarax ayaa lagu fuliyay dil. Kadib markii saaka mid ka mid ah Askartiisu ugu soo galay xafiiska, isla markaana tacshiirad rasaas ah ku furay. Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helay dhacdadaa lama garanyo ujeedada

 

ka danbaysa. Laakiin sarkaalkaa ayaa   dhaawac culusi soo gaadhay.
Dhaawaca Taliyaha Ciidanka Booliiska Djibouti  oo sideed xabadood oo rasaas ahi ku dhaceen ayaa  wararku sheegayaan in si Deg-deg ah loogu qaadayo caawa Dalka Faransiiska si loogu soo daweeyo. Waxaana gacanta lagu dhigay askarigii dilka geystay oo xabsiga loo taxaabay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>