Hargeysa(Araweelo News Network)Taliyihii Booliska Magaalada Arabsiyo oo dhinaca Galbeed kaga beegan Caasimada Hargeysa, ayaa geeriyooday. Kadib
markii dhaawac kasoo gaadhay Tacshiirad rasaas ah oo uu la beegsaday mid ka mid ah Askartiisa.
Taliyiha oo magaciisu ahaa Maxamed Ismaaciil (Maxamed Case), ayaa saaka la keenay Cusbitaalka magaalada Hargeysa, isagoo dhaawac ah, balse waxa uu geeriyooday gelinkii danbe ee maanta. Sida ay xaqiijiyeen hawlwadeenada Caafimaadka ee Cusbitaalka Hargeysa.
Askariga toogtay Taliyaha ayaa gacanta lagu dhigay sida uu xaqiijiyay Taliyaha Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal, wuxuuna sheegay in Maxkamadda Ciidamada deg deg loo horgeynayo Askariga geystay dilkaa oo loo gudbiyay xabsiga.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com