Muqdisho(ANN)Taliska Ciidanka Booliska Somalia ayaa sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelanayn ammaanka Magaalada Muqdisho  weerarada Ismiidaaminta ah ee Al- Shabaab ay ku soo qaadaan Gudaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somalia Cabdullaahi Xasan Bariise oo shir Jara’id qabtay kadib weerar Ismiidaamin ah oo Al- Shabaab Masuuliyaddiisa ay sheegteen oo shalay ka dhacay Afaafka  Hore  ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in aanay wax saamayn ah aanay ku yeelan doonin Nabad Gelyada iyo Kala dambeyn uu sheegay inay ka jirta Muqdisho.

Jeneraal  Bariise  oo ah Taliyaha Ciidanka dambi Baadhista ahna Afhayeenka Ciidanka Booliska  ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in isku day kasta  oo Al Shabab ku doonayaan in Weeraro is Miidaamin ah ay ka geystaan Magaalada Muqdisho aanay wax caqabad ku keeni doonin howlaha Ciidanka Booliska  ee dhinaca amaanka oo ay Boolisku gudan doonaan waajibka ka saaran xaqiijinta ammaanka guud ahaan Magaalada.

Shalay ayay ahayd Markii Nin Naftii hure ah uu isku hor qarxiyay afaafka Hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Gaar ahaan Goob aad u Mashquul ahayd oo ka soo Horjeeda Xafiiska Ra’isal Wasaaraha iyo Safaaradda Ethiopia,  iyadoo Ninka  is qarxiyay la sheegay in uu hore uga tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda, balse i ay Saraakiisha Nabad sugidu beeniyeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen askarta ilaalada raysal wasaaraha, isla markaana ay qaar kale ku dhawacmeen, waxayna Al-shabaab sheegeen in ay sii wadayaan weeraradaasi argigixisanimo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *