Afhayeenka Ciidanka Booliska Somalia Cabdullaahi Xasan Bariise oo shir Jara’id qabtay kadib weerar Ismiidaamin ah oo Al- Shabaab Masuuliyaddiisa ay sheegteen oo shalay ka dhacay Afaafka Hore ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in aanay wax saamayn ah aanay ku yeelan doonin Nabad Gelyada iyo Kala dambeyn uu sheegay inay ka jirta Muqdisho.
Jeneraal Bariise oo ah Taliyaha Ciidanka dambi Baadhista ahna Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in isku day kasta oo Al Shabab ku doonayaan in Weeraro is Miidaamin ah ay ka geystaan Magaalada Muqdisho aanay wax caqabad ku keeni doonin howlaha Ciidanka Booliska ee dhinaca amaanka oo ay Boolisku gudan doonaan waajibka ka saaran xaqiijinta ammaanka guud ahaan Magaalada.
Shalay ayay ahayd Markii Nin Naftii hure ah uu isku hor qarxiyay afaafka Hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Gaar ahaan Goob aad u Mashquul ahayd oo ka soo Horjeeda Xafiiska Ra’isal Wasaaraha iyo Safaaradda Ethiopia, iyadoo Ninka is qarxiyay la sheegay in uu hore uga tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda, balse i ay Saraakiisha Nabad sugidu beeniyeen.
Al Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen askarta ilaalada raysal wasaaraha, isla markaana ay qaar kale ku dhawacmeen, waxayna Al-shabaab sheegeen in ay sii wadayaan weeraradaasi argigixisanimo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com